Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay dhaleecayn dhinaca labada xisbi ee mucaaradka UDUB iyo UCID kaga timi shalay, kuwaas ku tilmaamay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mid mad madaw ku jiro siyaasadeeda ku wajahan aqoonsiga Somaliland, iyagoo sidoo kalena

sheegay in aan doorashada soo socota lagu gelin diiwaan gelintii doorashadii hore.
Hase yeeshee  Guddoomiyaha Xafiiska siyaasadda, xidhiidhka Goleyaasha iyo dadweynaha ee Madaxtooyada Somaliland Bashiir  Cabdi Xariir, ayaa gaashaanka ku dhiftay eedaha mucaaradka, wuxuuna sheegay in waxa laga yeelayo  diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ay tahay hawl u taala Komishanka doorashooyinka qaranka, balse aanay  meel uga banaani jirin axsaabta mucaaridka ah.
Waxa kale oo uu sarkaalkaasi sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi ay  dhaliilaha ka jira gudaha xisbiyadooda ay ku badhaxayaan dhaliilo aan jirin oo ay ku eedeynayaan xukuumada Somaliland.
Bashiir Cabdi Xariir war saxaafadeed uu caawa soo saaray waxa uu tafaasiil kaga bixiyay siyaasadda arrimaha dibada ee xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

Waxa muuqata inay wali la dhutinayaan xisbiyada mucaridku burburkii ka dhashay guul daradii foosha xumayd ee ay kala kulmeen doorashadii madaxtooyada  sanadkii 2010-kii, iyada oo ay waliba u sii dheer tahay khilaafadka gudahooda taas oo gaadhsiisay qaarkood ilaa heer maxkamadeed, halka qaarkoodna aanay lahayn haykal xisbi oo udhisan oo ay wali ka dhur sugayaan bal in hogaankoodii mar uun dib ugu soo laabto dalka.
Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  isaga oo fulinaya ballan qaadkiisii xilligii doorashadiisii waxa uu magacaabay guddi ka kooban xisbiyada siyaasada iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo ka soo talo bixiya, bal in loo baahan yahay furista tartanka ururada siyaasada, Markii ay  jawaabtii dadweynuhu ay noqotay haa, hala furo  tartanka ururada siyaasada, qiimayntaas waxa ay muujisay sida ay bulshadu uga quusatay siyaasada fadhiidka ah ee xisbiyada mucaaridka ah iyo in loo baahan yahay in la helo asxaabtii siyaasadeed ee hogaamin lahayd Bulshada mustaqbalka soo socda.
Hadaba hadalada ku saabsan inaan laga qayb galin labada xisbi ee mucaaradka ah shirarka muhimka ah ee wufuda dibada inooga timaadaa maaha wax jira , ee sida aynu kor ku soo sheegnay waxa meesha ka baxay oo liita doorkii siyaasaasadeed ee ay saaxada ku lahaayeen labadaas xisbi maadaama ay bulshadu sugayso isbadal ka dhalan kara marka loo tartamo Ururada siyaasada.

Doorashadii madaxtinimada ee uu ku guulaystay Madaxweyne Axmad Siilaanyo oo hogaaminayay Xisbiga talada haya ee Kulmiye waxay ahayd mid aqlabiyada codka dadka uu ku helay oo Dayaxa ka cad , hadii meel uun musuqmasuq iyo madmadaow lagu sheegay, waxa uu cabdilahi jawaan oo ka mid ahaa komishankii doorashooyinka Qaranka ee sannadkii 2003 dii  sheegay in ay jirtay xilligaas oo uu soo baxay xisbiga ucid ku shubasho iyo wax isdhaafdhaafin.
Xukuumadu waxay si wayn udardar galisay talaabooyinkii loo mari lahaa in dalkan ay sideedii uga dhacaan doorashooyinka la sugayo, waxa la ansixiyay xeerka nidaamka
ururada iyo Asxaabta siyaasada, waxa la magacabay guddidii diiwaan galinta ururada, waxa ay xukuumadu ku shaqayn doontaa qorshaha ay udhigeen Komishanka doorashooyinka qaranku arimaha hirgalinta doorashooyinka dalka.

Arrimuhu maaha sida uu u arko ama u hadlay faysal cali waraabe oo ay dadweynuhu aad ula yaabeen hadaladiisa oo ka fogaa xaqiiqada , xilligan oo ummadu ay ka sugaysay bal inuu soo bandhigo halka uu la damacsan yahay xisbiga ay dhawaan maxkamadu dib ugu xukuntay inuu gudoomiye ka yahay, dadku waxay iswaydiinayaan hadiiba loogu yeedho inuu ka soo qayb galo shirarka uu sheegayo in laga reebay tallow yaa soo raaci lahaa makelidii ayuu iman lahaa ilayn ragii ka dareerye, maanta se ma ku haboonayd inuu ka hadlo fagaarayaasha oo uu soo jeediyo dhaleecayn aan jirin
Miyaanay muujinayn quus siyaasadeed in markasta oo uu hadlo Faysal Cali Waraabe uu ku hanjabo nabadgalayada ayaa faraaha ka baxaysa, dadku madaxtooyada ayuu ku dareeri iyo Arrimo la mid ah, halkii uu ku hadli lahaa waxii xoojinaya amniga iyo horumarka dalkan ee uu Faysal muddo dheer quudaraynayey madaxnimadiisa.
Siyaasada Arimaha dibada ee xukumadan madaxweyne Axmad Siilaanyo waxa ay ku qotontaa oo ku salaysan tahay dastuurka Qaranka oo lagu Ansixiyay Afti Qaran, barnaamijka Xisbiga KULMIYE iyo barnaamijka Xukuumadda, intaas oo dhan oo ka turjumaya go’aankii gooni isu taaga Somaliland iyo la soo noqoshada xorriyadda Somalililand 18/05/1991.
Xukuumadda hadda talada haysa siyaasadeeda arrimaha dibadu waxay badhax tiray  rabitaanka shacabka Somaliland ee helitaanka aqoonsiga Somaliland, taasi oo uu ka kasbaday adduunka, tix gelin iyo gar-waaqsi xaqa Somaliland ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah ee tooska ah, iyada oo maanta siyaasadeena dibadu ay marayso heer caalami ah, laga bilaabo Dalalka jaarka ah, Afrika, United nation-ka, USA, Yurub iyo dalalka  Carbeed, waxana marag ka ah shirarkii uu la  yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedu Golaha Amaanka iyo Masuuliyiinta kala duwan ee dalalka aduunka, wufuuda kala duwan ee dalka ku soo qulqulaya  iyo talooyinka ka soo baxaya masuuliyiinta dalalka aynu jaarka nahay ee ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta aynu kaga jirno beesha caalamka.
Arrinta Diwaan gelinta codbixiyeyaasha & muwaadiniintu waa hawl u taala komishanka doorashooyinka qaranka iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xisbiyada Siyaasaduna wax kaalina oo ay ku leeyihiin Arrintani ma jirto
Shicibka reer Somaliland waxa umuuqda isbdalka dhaqaale, maamul, siyaasadeed iyo horumarineed ee ay ku talaabsatay xukuumada haatan sannadka jirtay ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmad Siilaanyo.
Ugu danbayn waxa aan hadalkayga ku soo koobayaa oo aan leeyahay Asxaabta mucaaradka ah maaha inaad dhaliishiina dibad yaalka ah aad ku badhaxdaan dhaliilo aan sal & raad toona lahayn oo aad u soo leexisaan xukuumada idinka oo danaynaya in aad iska jeedisaan indhaha bulshada” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *