Medics carry a wounded anti-government protester in SanaaSanca (ANN) Rabshadaha iyo kacdoonada dalka Yemen ayaa sii kordhay, kuwaas oo maalintii sadexaad si xidhiidh ah uga socda, isla markaana sababay dhimasho iyo dhaawac. Kadib markii ay ciidamada daacada u ah Madaxweynaha dalka ee Cali Cabdale Saalax madaafiic ku garaaceen goobo ay

 

ka mid yihiin fagaaraha isbedelka iyo xero hore fadhiisin ugu ahayd ilaalada xaras al-jamhuurka Cali Cabdale ee uu hogaamiyo wiilka uu dhalay Axmed Cali oo ay debed baxayaashu qabsadeen.
Gen,  Cali Muxsin Saalax oo  ka goostay ciidamada dawladda March 2011, isla markaana ku biiray mucaaradka iyo debedbaxayaasha oo ay kusoo biireen ciidamo  ka tirsanaa xaras jamhuurka ayaa suurta geliyay inay mucaaradku qabsadaan xerada fadhiisinka u ahayd askarta ilaalada Madaxweyne Saalax, waxayna taasi sababtay inay madaafiic ku garaacaan fagaarahaa, halkaas oo ay ku dhinteen dad teendhooyin uga dhisnaayeen. Sidoo kale ciidamada dawladda ayaa madaafiic ku garaacay Jaamacad Imaan oo ku taal woqooiyaga Sanca, taas oo uu madax yahay C/casiis Al-sandaani oo ka mid ah dadka hogaaminaya mucaaradka. iyadoo ay magaalada caasimada ee Sanca u qaybsanatay Woqooyi iyo Koonfur, isla maraakana labada dhinac kala qaybsadeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay sadexdii maalmood ee u danbeeyay ku dhinteen kocdoonada iyo iska hor imaadyada dalka Yemen ku dhowaad 70 qof, iyadoo ay tirooyin intaa ka badanina dhaawacmeen. Dadka kacdoonada wada ayaa dhaleecaynaya dawladaha Iskaashiga Khaliijka, iyagoo si gaara u canbaaraynayay dalka Sucuudiga, kuwaas oo ay ku eedaynayaan inay taageerayaan Madaxweyne Saalax oo weli ku maqan dalka Sucuudiga, kadib markii dhawr bilood ka hor dhaawac weyni soo gaadhay, balse diiday inuu xukunka ka dego, isagoo Madaxweyne xigeenkiisa Cabdirabo Mansuur iyo wiilasha uu dhalay Cali Cabdale dalka maamulaan.

Magaalada Sanca  waxa shalay gaadhay ergooyin ka socda dalalka Khaliijka iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo wadahalo la yeeshay dhinacyada, isla markaana doonayay in xabada la joojiyo,  laakiin kuma guuleysan in ay xabbad joojin sameeyaan, waxaana kacdoonadu sii xoogaysteen magaalooyinka kale sida Hudayda oo ah magaalada ay ku taal Dekeda labaad ee dalkaa, isla markaana xuduud la leh dalka Sucuudiga iyo sidoo kale Magaalada koonfur galbeed ee Ticiz iyo magaalada Koonfurta ah ee Istiraatiijiga ah ee Cadan, iyadoo wararka magaalooyinkaa qaarkood ka imanayaa sheegayaan inay dadku xafiisyada dawladda qaarkood gubeen, qaarna ay qaateen wixii yaalay.

Yemen
Dhinaca kale Xoghayaha Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa Banki Mun  ayaa dhawaac aan xooganayn uga baaqay labada dhinac in gacanka hadalka ay jojiyaan iyo rabshadaha, isagoo xukuumadda Cali Saalax u sheegay inaan loo baahnayn in dad mudaharaadaya madaafiic iyo hub loo adeegsado.  wadamada Reer galbeedka ayaa ka wer wersan xaalada dalka Yemen oo aan la saadaalin karin, waxa kasoo socda haddii Madaxweyne Saalax xukunkiisa meesha laga tuuro, maadaama ay mucaardka uu hogaamiyo Sh. Sandaani hore u sheegeen bilawgiiba inay dhisayaan dawlad Islaami ah, isla markaana waxay taasi cabsi dheeraad ah iyo inay ka aamusaan arrinta Yemen ku kaliftay dalalka reer galbeedka, maadaama ay dalka Yemen ka cabsi qabaan inay kooxaha kacdoonada ka wada ku jiraan qaar ka tirsan Urur weynaha Al-Qaida ooh ore dhiraabxo xun ugu dhiftay maraykanka. Kadib markii ay dhawr sanandood ka hor ku qarxiyeen dekeda Magaalada cadan marakab lagu magcaabo USS Call, kaas oo ay ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen askartii saaranayd ee ciidmada badda ee Maraykanka.  Sidaa awgeed maraykanka iyo xulufadiisa ayaa xaalada dalka Yemen iyo waxyaabaha ka soconaya sideedii bilood ee lasoo dhaafay ku noqdeen laf dhuun gashay, waxaana khasab ku noqotay inay arrimaha dusha kala socdaan oo keliya oo aanay talaabo qaadin sida dalka Libya ay weerarka ugu qaadeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *