Hargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland,  ayaa u ballanqaaday Xisbiyada mucaaradka inay goob-joogayaal ka noqon doonaan

 

diiwaangelinta iyo qaadashada kaadhka muwaadinimo ee hawsheeda la doonayo in dalka oo dhawaan laga bilaabo, taas oo ka danbaysay kadib markii mucaaradku kasoo saareen qaylo-dhaan ay kaga shakisan yihiin qaabka loo maamulayo hawsha diwaangelinta doorashada iyo kaadhadhka aqoonsiga ee (ID).

Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ka warbixiyay hawshaa. Kadib markii ay dalka soo gaadheen agabkii lagu qaban lahaa oo lagu dejiyay Xarunta Wasaaradda Daakhiliga Somaliland, wuxuuna xusay inay qalabka diiwaangelinta maddaniga ah si degdeg ugu kala diri doonaan gobollada dalka, si loo tijaabiyo haw-qabadkiisa, kadibna si rasmi ah loo bilaabi doona hawsha diiwaangelinta muwaaddiniinta, isagoo ku dooday inuu saamayn badan ku yeelan doono badan nolosha dadka aan qaadan kaadhka muwaaddinnimada Somaliland.
Warancade, waxa uu sheegay in ay ku martiqaadayaan xisbiyada mucaaradka, Komishanka Doorashooyinka iyo ururrada bulshada rayidka ah sidii ay goob-joog uga noqon lahaayeen fulinta diiwaangelinta oo agabkeeda toddobaadka soo socda la gayn doono dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, si ay u ogaadaan qaabka dadweynaha loo tira-koobayo, uguna qancaan ujeeddada laga leeyahay iyo hadafka loo samaynayo.

“Waxa xaruntan cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu rogayaa [duhurnimadii shalay] qalabkii diiwaangelinta muwaaddinka oo sidii aannu hore u sheegnay  dedaal badan iyo hawl loo galay kadib soo dhammaatay, halkan ayaana lagu xidh-xidhayaa waxaana toddobaadka soo socda la gaynayaaa  goobihii loogu talogalay diiwaangelinta muwaaddinka  ee guud ahaan waddanka oo dhan.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

“Diiwaangelinta madaniga ahna si ay u noqoto mid xalaal ah waxaannu ku casuumi doonaa xisbiyada mucaaradka ah, Guddida Doorashooyinka, ururrada bulshada iyo hay’adaha kala duwan ee Qaranka si goob-joog looga wada ahaado oo cid waliba iyadoo miiska la wada fadhiyo ay ka dharagto sida qofka loo diiwaangelinayo. Qalabka la isticmaalayaana waa mid casri ah, waxaana loogu talogalay inuu kala reebo qofka isku daya inuu mar labaad is diiwaan geliyo, qalabkani waxa uu leeyahay saddex astaamood oo qofka lagu garanayo oo kala ah indhaha, faraha oo qofka laga qaadayo iyo sawirka, saddexdaas qayboodba wuu qaadayaa mishiinkan la isticmaalayaa,” ayuu yidhi Warancadde.

Waxa kale oo uu sheegay in diiwaangelinta madanigu kaalin ka qaadanayso in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo, isla markaana taageero u noqonayso diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxaannu yidhi, “Si aynu u helno doorashooyin caddaalad ah oo qofku far keliya dhiibto, kaadh kaliyana helo oo aannu ku noq-noqon ayey dawo ka tahay, waxa kale oo ay dawo ka tahay inaannu qof kasta oo iska yimaada goobaha codbixinta aannu codayn karin, muwaadiniinta Somaliland oo keliya ayaana xaq u leh inay coddeeyaan si xaqaas muwaadinka loo sugo ayaa loo sameeyey kaadhkan, isla markaana si ay meesha uga baxdo ku noq-noqoshadii iyo inuu qofku dhawr kaadh yeesho, qofkuna uu yeesho hal cod taas ayuu damiin ka yahay, waxaannu sahlayaa marka la samaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhawaan la bilaabi doono oo Guddida Doorashooyinku ay gacanta ku hayaan inuu qofku si sahlan u qaadan doono kaadhka codbixinta oo isagu hal mar shaqayn doona, laakiin kaadhka diiwaangelintu weligii wuu shaqayn doonaa, marka ciidammadu ku joojiyaana waxa ugu horreeya ee qofka la waydiinayaa kaadhka aqoonsiga.”ayuu yidhi Wasiir Warancade.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *