Hargeysa(Araweelo News Network) Kaalmaha Shidaalka lagu iibiyo ee Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka, ayaa kordhiyay qiimaha shidaalka ee

 

Batroolka labadii todobaad ee u danbeeyay, iyadoo Litirka Batroolka ah uu gaadhay halkii ugu saraysay taariikhda Somaliland.
Qiimaha halka Litir ayaa kaalmaha shidaalka qaarkod ku iibinayaan 8,000 sl.sh. ah, taas oo u dhiganta 1.3 dolar, balse qaar ka mid ah Kaalmaha ayaa qiime ka badan intaa ku iibinaya Litirka batroolka ah, iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa shidaalka la kordhinayo qiimaha, isla markaana Kaalmaha qaarkood si kootarabaan ah u iibinayaan.

Todonbaadkii hore ayay Kaalmaha shidaalka iibiyaaa kordhiyeen qiimaha, kuwaas oo gaar ahaan Batroolka 5 %,  ju daray, halkii uu markii hore ka ahaa 5.Ltr ee Batroolka ah $ 5 dolar oo ay ku kordhay, waxayna waqtigaa kordhiyeen  $ 0.5 dolar, balse qiimaha ayaa weli kor usii socda,taas oo meelaha qaar samayn ku yeelatay gaadiidka yar yar iyo maceeshada, isla markaana walaac ku abuurtay bulshada, iyagoo si weyn uga cabsiqaba in qiimaha maceeshada la kordhiyo.

Dadka Kaalamaha ku iibaya shidaalka oo kasoo iibsada Haamaha Shidaalka ee Berbera oo ay maamusho shidaalka Shirkada HASS, ayaa ku doodaya in sababta ay qiimaha Batroolka u korhdiyeen ay tahay kadib markii dhowaan Shirkada HASS  ee keenta Shidaalku kordhisay qiimaha Foostada Batroolka oo halkii markii hore ay ka ahayd $178 dolar, ay ka dhigtay $192, taas oo noqonay in lagu kordhiyay $14 Foostada. Sidoo kale waxay ku doodeen Kaalamaha shidaalka qaarkood in ay shirkadaha keena shidaalku sidan oo kale sameeyaan oo ay heshiish ku yihiin si qiimaha loo kordhiyo in ay dib u dhigaan shidaalka usoo socda, waxayna xuseen in qorshahan kordhinta shidaalka ay heshiis ku yihiin HASS, Red Sea iyo Maamulka Haamaha Shidaalka ee Berbera.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin arrinta mushkilada qiimaha shidaalka ee gaadhay heerkii u sareeyay, balse Madaxweyne Siilaanyo oo mudadii xaaladan shidaalku taagnayd magaalada xeebata ah ee Berbera, ayaa la filayay inuu soo hadalqaado arrintaa kadib markii uu booqday Haamaha Shidaalka Todobaadkii hore wuxuu amaan kula kufay maamulka Haammaha shidaalka ee Berbera, isagoo aan madaxweynuhu soo hadal qaadin arrintaas oo aanay Masuuliyiinta la socotay iyo kuwa Haammuhuna xusuusin xaalada shidaal la’aanta ee baahday.

Si kastaba ha ahaatee, waxa qiimaha shidaalka ee kor u socdaa saamayn ku yeelanayaa nolosha iyo daruuriyaadka Bulshada iyo sidoo kale isu socodka gaadiidka iyo adeegyada aasaasiga ah, taas oo abuuri karta  mushkilad xalkeedu adkaan karo haddii aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax ka qaban xaalada sii xumaanay ee iibka shidaalka dalka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *