Hargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay wadahadal u dhexeeyay labada xukuumadood ee Somaliland iyo

 

Ethipopia, waxayna  markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay inay dawladda Ethiopia ay kala hadashay dhibaatooyinka nabadgelyo-darro ee kooxda Galaydh ka wadaan degaanno ku yaal xuduudka labada dal wadaagaan.

Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Warancadde oo shir-jaraa’id ku qabtay dhismaha xarunta cusub ee wasaaraddiisa shalay, ayaa sheegay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal ku tegay dhowaan magaalada Addis Ababa ay dawladda Itoobiya u gudbiyeen cabasho dhan ka ah falalka amni-darro ee fallaagada Cali Khaliif oo gabbood ka dhigta degaanno ku yaal gudaha xadka Itoobiya iyo saamaynta arrintaasi ku yeelan karto ammaanka guud ee xadka labada waddan, isagoo xusay in labada dal ka wadahadleen adkaynta amniga xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

“Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya iskaashi aad u weyn oo dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga iyo siyaasaddaba ah. Weftigii aannu aniga iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku tagnay Addis Ababa waxyaabaha ugu muhiimsan ee aannu dawladda Itoobiya ka wadahadlay waxa ugu horreeyey nabadgelyada iyo sidii dawladaha Somaliland iyo Itoobiya iskaga kaashan lahaayeen ilaalinta ammaanka xuduudka labada dal, waxaanuna isla qaadannay in gacan bir ah lagu qabto cid kastoo isku dayda inay nabadda iyo xasilloonida degaannada ku yaal xuduudaha,” ayuu yidhi.

Wasiir Warancadde oo ka jawaabayay in ay dawladda Itoobiya ku qanciyeen in ciidammada Somaliland gudaha dalkooda kula dagaallamaan kooxda fidno-wadayaasha ah ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cali Khaliif Galadh kadib markii ciidanku qaranku ka saareen tuulada Saax-dheer ee Gobolka Sool horraantii toddobaadkan, waxa uu ku jawaabay, “Horta waddamada adduunka oo dhan way ixtiraamaan xuduudaha u dhexeeya oo dalna kuma xadgudbo gudaha dal kale, Itoobiyana waa waddan aynnu daris nahay oo Somaliland way ixtiraamaysaa xuduudkeeda, iyaguna way ixtiraamaan xadkeenna, kumana soo xadgudbaan, innaguna kuma xadgudubno. Itoobiya waa dal aynu aad isugu dhawnahay oo aynu iska kaashanno dhinacyada nabadgalyada, ganacsiga iyo horumarka, sidaasi darteed mar kasta waxaannu leenahay kulamo joogto ah, marka wax jiraana waanu ka wadahadalnaa, xuduudda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya way dheertahay, markaa [safarkayagu] waxa uu ka mid ahaa hawlihii aannu marwalba u tagi jirnay iyo sidii loo adkayn lahaa amniga xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan, Itoobiya ma oggola in dad fidno-wadayaal ah gudaha dalkooda ka soo abaabulaan falal liddi ku ah amniga Somaliland.”

Waxa kaloo Wasiirka Daakhiligu ku tilmaamay Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisaba calooshood u shaqaystayaal u addeega basaasiin fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaannu yidhi;  “Saax-dheer waa magaalo ku taal Somaliland, laakiin Cali Khaliif iyo qayrkii kale ee Somaliland ah oo Xamar iyo meelahaas ka ugaadhsada anigu waxaan u aqaanaa inay yihiin niman calooshooda u shaqaystayaal ah oo u shaqeeya basaasiin joogta Nairobi iyo Xamar oo ay ka mid tahay maamulka Xamar, qolooyinkaasi oo had iyo jeer doonaya inay u maleegaan Somaliland dhibaato aynaan ka galabsan iyo in kharbudaadi ka dhacdo Somaliland ama ay la mid noqoto Soomaaliya.” Ayuu yidhi Cali Warancade, wuxuuna meesha ka saaray in collaada Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisu wadaan tahay mid saamayn ku leh dadka deegaanka, isagoo yidhi, “waynu ka guulaysanay, waanaynu ka guulaysan doonaa, laakiin anigu uma arko wax Somaliland dhexyaal ee shacabka Somaliland waa mid oo colaad iyo fool-xumo ku dhex jirtaana ma jirto.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *