Hargeysa(ANN)Guddida Xukuumadda Somaliland u saartay dhowaan sidii gurmad loo gaasdhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee macaluushu ku haysato Koonfurta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday dhaqaallaha lacagta ay ilaa hada gacanta ku hayaan ee  ay shacbiga Somaliland uga soo

 

ururiyeen walaalahooda ku tabaalaysan koonfurta Soomaaliya, taas oo ay sheegeen inay tahay  lacag dhan $600, 000 dollar.sidaana  waxaa sheegay guddoomiyaha guddidaa Axmed X. Cali Caddami oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Caddami oo ah Gudoomiyaha guddida xukuumaddu u saartay gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in shacbiga Somaliland ay si mugleh uga qeyb qaateen u gar-gaarida dadkaa tabaalaysan, wuxuuna  si wayn ugu mahad naqay dadkii gacanta ka gaystay taakulaynta iyo gurmadka dadkaa tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya ee Abaaraha iyo macaluushu saamaysay, oo ay xukuumadda Somaliland xil wayn iska saatay bishan barkaysan ee Ramadaan fadligeeda in ay ka qayb qaadato una gar-gaarto dadkaasi baahan ee aynu jaarka nahay.
Waxaa kale oo uu sheegay Axmed Xaaji Cali  Caddami inay haatan soo gaadheen lacag qadarkeedu gaadhayo $ 600,000 dollar  oo ay inta  badan lacagtaa  ay ugu talo galeen inay gaadhsiiyaan dadkaasi Abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wejiga ugu horeeya ee qadarka lacagta soo gaadhay ay ka dhigi doonaan qaybta koowaad taakulaynta gurmadka abaaraha ee dalkaasi Soomaaliya, isla markaana la gaadhsiindoono maalmaha soo socda ee lagu jiro Ciidul Fidriga isaga oo xusay in ay gaadhsiin doonaan deeq intaasi ka badan dadka abaaraha iyo macaluushu saameeyeen ee Soomaaliya .
Afhayeenka Guddida gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya oo ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil C/laahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guud ahaanba shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay u gargaaraan dadka abaaruhu saameeyeen ee koonfurta Soomaaliya isaga oo sheegay in naxariista illaahay ku jirto marka adoomuhu isku naxariistaan, waxaanu si aad ah ugu mahad naqay guur ahaanba dadkii ka qayb galay gurmadkaasi abaaraha dadka tabaalaysan ee Soomaaliya gargaarka loogu ururinayo.
Sidoo kale Sheikh Maxamed Cali Gadhle iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah culimada Somaliland oo  iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dadwaynaha reer Somaliland si balaadhan uga qayb qaateen gurmadka dadka Abaaraha iyo macaluushu haleeshay ee Soomaaliya,  isla markaana ay u mahad naqayaan cid kasta oo gacan ka gaysatay.
Dhinaca kale mushkilada Somalia iyo macaluusha ayaa si weyn looga soo gurmaday aduunka, iyadoo uu hada kusii jeedo dekeda magaalada Muqdisho Markab caawimo dawooyin iyo raashin ah oo ay dirtay dawladda Lubnaan, isla markaama madaxda dalalka Iran, Turkia  iyo maalqabeeno carbeed booqdeen maalmihii u danbeeyay magaalada Muqdisho si ay xaalada indhohooda ugu soo arkaan, kuwaas oo caawimo wax ku ool ah ka geystay. Sidoo wadamada Ururka midawga afrika iyo shirar lagu qabtay dalalka Talyaaniga iyo  Turkiga ayaa lagaga yaboohay malaayiin dollar oo gargaar loogu fidinayo dadka tabaalaysan ee macaluusha iyo dagaalada ku haleeleen Somalia iyo wadamo kale oo geeska Afrika ah, balse waxa jira weli astaamo muujinaya inay duruufaha baahida ka jira halkaasi taagan yihiin, iyadoo sahayda gargaarka meelaha qaar la leexsaday oo nay gaadhin dadkii loogu talo galay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *