Muqdisho(ANN) Xanuunka Cholera iyo xanuuno kale ayaa ka dilaacay xeryaha qoxootiga Koonfurta Somalia oo ay ku jiraan kumanaan qoys oo caruur iyo haween u baddan, waxaana saacadihii u danbeeyay  ku dhintay halkaa ku dhowaad 100   caruur iyo haween isugu jira. Kadib markii uu ka dilaacay

 

xeryaha Qoxootiga ku sugan Afgooye, Bay, Bakool iyo xeryo ku yaala Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhintay macaluul ka taagan halkaa iyo xaalad aragagax leh oo caafimaad daro, taas oo keentay inay ka dilaacaan xauunada Cholera iyo kuwo kale oo aan weli la aqoonsan.

Muuqaalka Ilma yar oo yaala cusbitaalka oo uu haleelay Cholera

Wakaaladaha Wararka ayaa qaarkood shaaciyeen macaluusha iyo xanuunada ka dilaacay halkaa, isla markaana soo bandhigay muuqaalo naxdin baddan,  iyadoo la geeyay  Cusbitaalada kumanaan caruur iyo haween ah. Kadib markii macaluusha weli ka taagan halkaa ay u raaceen xanuuno halis ah sida Cholera oo laga cabsi qabo inuu usoo talaabo dhinaca badhatamaha Somalia, isla markaana saamayn ku yeesho qoxootiga ka talaabay xuduudaha.
Masiibada bini aadanimo ee ka taagan halkaa ayaa sii socota iyadoo ay mujtamaca aduunku si weyn ugu gurmadeen dadka dhibaataysan ee Soomaalida, waxaana la rumaysan yahay in aanay sahayda gargaarka ee loogu talo galay dadkaa u gaadhin sidii la rabay, taas oo keentay inay xaaladu faraha ka baxdo .
Cusbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa isku deyaya inay u gurmadaan dadkaa. Laakiin waxa muuqata in loo baahan yahay weli sahay gargaar oo dheerad ah iyo dawooyin si loo hakiyo masiibada bini aadanimo ee ka taagan halkaa iyo macaluusha ay weli u dhimanayaan boqolaal caruur iyo haween Soomaaliyeed. Magaalooyinka  Afgooye, Bay iyo Bakool ayaa ah meelaha ugu daran iyo ay Cusbitaaladu buux dhaafeen, isla markaana aanay dadku haysan dawooyin iyo cunto ku filan weli.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *