Washington(ANN) Duufaanka dabaylaha xawaaraha ku soconaya ee wata roobka ayaa qarqiyay  Magaalada New York, kuwaas oo sababay ku dhowaad nus malyuun qof inay ka cararaan guyihooda. Markii ay soo gaadhay maanta. Maayarka  magaalada New York in Micheal Bloomberg ayaa

 

amar ku bixiyay in kumanaan qof si khasab ah looga  daadgureeyo  halkaa, taas oo ah tii ugu horreysay ee soo marta taariikhda.

 


Dabaylaha oo Axadii maanta soo gaadhay qeybo ka tirsan xeebaha gobolka North Carolina, Virginia, Maryland, Delaware, New York and New Jersey, iyo weliba New England, waxaana maayarada magaalooyinkaasi ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah. Kadib markii ay soo waajaheen  dabaylaha Duufaanka loo yaqaan Irene oo ku socda  xawaare sare, isla markaana wadata dabeylo ku socda 85 mph (140km/h). .Ku dhawaad rubac malyuun qof ayaa loo sheegay inay guryahoda ku yaalla dhulka taagoodu hoose ka tagaan. Waxaana la xidhay  markii ugu horreysay dhamaan khadadka gaadiidka iyo tareenada ee magaalada New York, sidoo kale dhamaan garoomada diyaaradaha ee magaalada New York ayaa albaada loo laabay 12ka duhurnimo xilliga New York. Sidoo kale magaalooyinka kale ayaan wax isgaadhsiini jirin oo dabaylaha duufaanka Irene.
Shirkaddaha Diyaaraha ayaa joojiyay  in ka baddan 24, 000 , oo duullimaad, kuwaas ka bixi lahaa  dhinaca xeebaha bari ee Maraykanka, iyadoo adeegyada tareemada qeybo ka tirsan gobolkana la joojiyay.


Shaqaalaha dhinaca  saaddaalinta ee xarunta Duufaanada ee Maraykanka ayaa hore u sheegay inay hoos u dhigeen xawaaraha duufaanka Irene oo ay sheegeen inay ka yar tahay duufaannadii hore ee watay dabeylaha ku socda 150 km saacadiidba, laakiin waxay ka digeen inay duufaankani xoog yeelan karto,  iyadoo markaa u gudbaysa meelaha ay dadku ku badan yihiin ee agagaarka Washington. Waxaana hada soo baxay inuu xawaaraha duufaanku sii kordho oo gaadho magaalooyin hor leh.


Dabeylaha  xooggan ayaa dhulka soo dhigay geedadka iyo xadhakaha laydhka ee wadooyinka waaweyn waxayna dabeylahani dhaliyeen roobab daadad ay ka dhasheen, isla markaana  waxay sababeen inay hawada ka baxaan Laydhka iyo isgaadhsiinta kale.


Digniin ayaa laga soo saaray New York iyo dhamaan meelaha ku teedsan xeebta bari ee Maraykanka. Madaxweyne Obama wuxuuna ku tilmaamay duufaankaaa  mid aad halis u ah oo lacag badana ku kici doonta burburka ka dhasha 65 Million oo qof ayaa ka qaxay North Carolina to New England, halka New York ay ka qaxeen guyohooda ilaa 2 million. Durba waxa soo baxay masuubada ku habsatay Maraykanka inay saamayn weyn durba ku yeelatay dhaqaallaha Maraykanka ee qarka kasii laa laaday, waxaana soo waajahay dad baddan cabsi dhinaca nolosha ah iyo sidii ay lafohooda u badbaadin lahaayeen. Madaxweyne Obama ayaa habeen hore ku dhawaaqay inuu dalku gelayo xaalad deg deg ah, isagoo kasii digayay masiibooyinka Duufaanka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *