wasiirka Arrimaha Debeda Dr Biixi YoonisHargeysa(Araweelo news Network)Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in wada-hadaladii u dhexeeyay labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia dib uga bilaabamayaan dalka Turkiga

maalmaha fooda inagu soo haya.
Sidaana waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo shalay u waramayay warbaahinta. Kadib markii uu kasoo laabtay safar uu kaga maqnaa dalka oo todobaadyo qaatay.

Dr. Maxamed Biixi oo shalay Madaarka Hargeysa ugu waramay Warbaahinta, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,“Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka dhacayaan Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib, weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxaanu Somaliland ka baxaynaa Axadda soo socota. Markaa wararkan la isla dhex marayo ee aanay waxba ka jirin dadku inay rumaystaan maaha, wada hadallo burburayna ma jiraan, wada hadaladu way socdaan waanan ka shaqaynaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland.

Wuxuuna xusay in in ay dalka Britain kula kulmeen  isaga iyo Wasiirka Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee shiidaalku oo ay ka wada hadleen sidii ay u isticmaali lahayd marsadda Berbera, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaanu tagnay aniga iyo Wasiirka Ganacsigu Ingiriiska, waxaanu la shiraynay dad kala gedisan Shirkadda la yidhaahdo DITOL, waa mid ka mid shirkadaha ugu waaweyn caalamka oo dakhligooduna uu ahaa sanadkii ina dhaafay 400 oo malyuun oo tan oo saliid ah ayay caalamka u kala gudbiyaan. Waxay ahmiyad weyn siinayaan inay dalkeena wax ka qabtaan oo ay saliida qaydhiin Ethiopia iyo wadamada dariska tagaysa Berbera soo mariyaan. Waxaanan ku kalsoon nahay sidii shirkaasi aanu la yeelanay noogu qabsoomay.” Ayuu yidhi Dr, Biixi.

Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland waxa uu jawaab ka bixiyay eedayn uu kasoo yeedhay  Jamaal Cali Xuseen oo ah murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID oo ku tilmaamay siyaasadda arrimaha debedda Somaliland mid fashilan, wuxuuna isagoo dhaleecayntaa ka jawaabaya yidhi, “Wasaaradayda waxa la yidhaahdaa wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaan ahay albaabkii innaga (Somaliland) iyo ajanabiga u dhaxeeyay. Waa inaan soo dhaweeyo oo aan dad mashaariic wada dalka keeno oo aan ku xidho wasaaradii ay kolba hawsha laga hadlayaa ay khusayso.” Ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyay, isagoo yidhi,“Imika Caalamku waxa uu imika marayaa in dhaqaale iyo horumarka laga shaqeeyo. Maanta waddankanna waxa uu u baahan yahay horumar iyo dhaqaale, waxa uu u baahan yahay wax tahriibka innaga joojiya, waa inaynu qof weyn iyo mid yarba ku dedaalo inaynu shirkado waaweyn dalka keeno,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu, waxaanu intaas ku daray “Marka aad shirkado waaweyn dalka keento dan ayay dalkaagii ku yeelanayaan. Markaa dhaqaaluhu waa siyaasadda ugu weyn ee wasaaradda khaarajigu hayso.” Ayuu yidhi.

Dhawaaqa xukuumadda Somaliland ee Wasiirka Arrimaha debedu ku shaaciyay in wadahadaladii Somalia ay la lahayd Somaliland dib u bilaabmayaan ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay hore u jireen warar sheegaya in wadahadaladaasi hakad galeen, balse dhawaaqa Wasiirka ayaa meesha ka saaray wararka hore ee la xidhiidhay arrinataa.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *