breakingnews1Oodweyne(Araweelo News Network) Fagaare ay khudbado ka jeedinayeen Wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali oo ay xubno ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka Ganacsiga

 

Bashiir Cabdi Xariir iyo Xildhibaan Waabeeyo ayaa isu mar keliya xaaladu is bedeshay, waxaana ka dhashay Mudaharaad rabshado ah oo sababay khasaare.

Sida ay sheegayaan warar ka imanaya magaalada Oodweyne Wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali ayaa fagaare kala hadlay Dadweynaha Oodweyne oo ay gaadheen maanta ka dib markii ay booqasho ku tageen, balse markii ay gebagebo ku dhowaadeen khudbadihii ay ka jeedinayeen halkaa waxa mar keliya faraha ka baxday xaalada amaanka, waxaana bilaabmay sawaxan iyo buuq markii mid ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka mikirifoonka qabsaday, isla markaana wefdiga ku wargeliyay in ay jiraan tabashooyin ay tabanayaan dadkii soo doortay, taas oo Wasiir Xisri xildhibaanka si hoose ugu sheegay in ay la kulmayaan xubnaha golaha deegaanka,sidaana ku wareejiyay Xildhibaanku Codbaahiyaha. Laakiin dadku u qaateen in loo diiday inuu hadlo, taas si lama filaan ah u bedeshay xaalada, isla markaana sababtay mudaharaad gacanta laysula tegey.

Ciidamada amaanka ayaa rasaas riday si ay masuuliyiintaa oo weli ku sugan goobta dadkii kusoo qamaameen, waxayna ciidamadu la tacaaleen dadkii si meesha uga saaraan masuuliyiintaa, balse dadka Magaalada ayaa kusoo dareeray goobta markii ay maqleen xabadaha dhacay, taas oo xaalada sii murgisay.

Ugu yaraan shan qof ayaa dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, waxaana si deg deg ah goobta looga saaray wefdiga uu hogaaminayay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali, kuwaas oo dhinaca Magaalada Burco kusoo laabtay isla maanta.

Dad goob joog ah ayaa sheegay in markii uu Xildhibaan Waabeeyo oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada kaga jira Oodweyne uu khudbada ka jeedinayay fagaaraha ay jiraan Foori iyo sawaxan, taas oo ka duwanayd markii ay goobta ka hadlayeen Wasiirka Madaxtooyadda Xisri iyo wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir oo xaaladu deganayd mudadii ay khudbadaha ka jeedinayeen halkaa, balse markii xildhibaan ka mid ah kuwa golaha deegaanka Oodweyne hadal cabasho ah ka jeediyay goobta Wasiirka Madaxtooyaddu u sheegay in ay gaar ula kulmayaan, isagoo xildhibaanku hadalkii uu jeedin lahaa u dhigtay kulanka loo balanqaaday sidaana ku dhiibay Mikirifoonka, balse dadweynuhu u qaateen in loo diiday inuu hadlo kadibna mar keliya xaaladu faraha ka baxday, iyagoo dadku ku qamaamay manbarka ay masuuliyiinta wefdiga ah ku sugnaayeen oo ay hadheeyeen dhagaxaan iyo ciid.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *