Hargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland ayaa ruqsadii kala noqotay Telefishanka Universal  ee laga leeyahay Somalia. Kadib markii uu sii daayay barnaamij ujeedadiisu tahay wacyigelin ku waajahan

midnimada Soomaaliweyn, kaas oo laga sii daayay waraysi samays ah oo si badheedha ugu gefay qaranimada iyo madaxweynaha Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa ku dhawaaqay in xukumada Somaliland xayirtay Telefeshinka Universal  oo uu sheegay in uu ku gefay qadiyada madax-banaanida Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxaamuud (Siillaanyo) oo  uu ka sameyey sawir film kartoon ah oo uu tilmaamay in uu qaranimada Somaliland iyo karaamada iyo sharafta madaxweynaha meel kaga dhacay.
Wasiirku waxa uu sheegay in go’aan ay ku gaadheen in ay xayiraan  Telefeshinka Universal tan iyo inta ay raali gallin ka bixinayaan Gefka ay kula kaceen qaranimada Somaliland iyo sharafta iyo karaamada Madaxweynaha, “Qadiyada Somaliland iyo qaranimadayada cida ku gefta u dulqaadanmayno, kulana garnaqsanmayno” ayuu yidhi. Wasiirka Warfaafinta oo saxaafada la hadlay saaka.
Barnaamijka laga sii daayay Universal waxa hore usii deyn jiray Telefishanka Dawlada Federaalka ee Somalia, balse waxa hada la wareegay TV Universal oo wadashaqayn  iyo heshiish kula galay dawlada Somalia inuu faafiyo barnaamijyo uu ka mid yahay Barnaamijkan, kaas oo lagu sheegay inuu yahay mid ujeedadiisu tahay sidii ummada Soomaaliyeed loo midayn lahaa, isla markaana cuqdada looga saari lahaa, taas oo hordhac u ah qorshayaal cusub oo ku waajahan Somaliland iyo qaranimadeeda.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *