Garoowe(Araweelo News NetworkMasuuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad u sheegay in ay bilaabayaan dagaal siyaasadeed oo ay sheegeen in lagaga xoraynayo Somaliland magaalada Laascaanood.

Wasiiradda Ganacsiga iyo Kalluumaysiga maamul goboleedka Punrland iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaankooda ayaa sheegay in ay  wadaan qorshe dagaal Siyaasadeed oo ay Somaliland kaga xorraynayaan Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxayna sidaa ka sheegeen xaflad ay ku qaabileen Xildhibaano ka tirsanaa Golaha Deegaanka Laascaanood oo u talaabay Maamul goboleedka Puntland oo lagu qabtay duleedka Garoowe .

Maxamuud Xasan Soo-cade oo ah wasiirka Ganacsiga, Cabdi-Nuur Cilmi Qaanje (Biindhe) oo ah wasiirka Kalluumaysiga iyo Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay dhamaan Xildhibaanada Golayaasha deegaanka ee deegaamada  ay ku muransan yihiin  ku biirayaan Maamulka Garoowe,  taas oo ay sheegeen in ay tahay wadada lagu Somaliland lagaga xoraynayo deegaamadaa.
Laba Xildhibaan ee ku biiray maamulka Puntland ayaa kala ah Mukhtaar Mahad Cawad iyo C/llaahi Digaale Cali kaga goosteen Somaliland in ay tahay qorshihii  siyaasadeed Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Maamul Goboleedka Garoowe  Cabdiwali Gaas, kaas oo hore u balanqaaday in uu gacanta Puntland ku soo celin doono goboladda deegaamada Sool iyo Sanaag.

Labada Xildhibaan oo la hadlay saxaafadda markii ay gaadheen dhinaca Maamulka Puntland ayaa Somaliland ku eedeeyey in ay ka waayeen qaabkii ay ula shaqayn lahaayeen, waxaanay xuseen in ay go’aansadeen in ay ku biiraan maamulka Puntland.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *