midnimada Soomaaliweyn, kaas oo laga sii daayay waraysi samays ah oo si badheedha ugu gefay qaranimada iyo madaxweynaha Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa ku dhawaaqay in xukumada Somaliland xayirtay Telefeshinka Universal oo uu sheegay in uu ku gefay qadiyada madax-banaanida Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxaamuud (Siillaanyo) oo uu ka sameyey sawir film kartoon ah oo uu tilmaamay in uu qaranimada Somaliland iyo karaamada iyo sharafta madaxweynaha meel kaga dhacay.
Wasiirku waxa uu sheegay in go’aan ay ku gaadheen in ay xayiraan Telefeshinka Universal tan iyo inta ay raali gallin ka bixinayaan Gefka ay kula kaceen qaranimada Somaliland iyo sharafta iyo karaamada Madaxweynaha, “Qadiyada Somaliland iyo qaranimadayada cida ku gefta u dulqaadanmayno, kulana garnaqsanmayno” ayuu yidhi. Wasiirka Warfaafinta oo saxaafada la hadlay saaka.
Barnaamijka laga sii daayay Universal waxa hore usii deyn jiray Telefishanka Dawlada Federaalka ee Somalia, balse waxa hada la wareegay TV Universal oo wadashaqayn iyo heshiish kula galay dawlada Somalia inuu faafiyo barnaamijyo uu ka mid yahay Barnaamijkan, kaas oo lagu sheegay inuu yahay mid ujeedadiisu tahay sidii ummada Soomaaliyeed loo midayn lahaa, isla markaana cuqdada looga saari lahaa, taas oo hordhac u ah qorshayaal cusub oo ku waajahan Somaliland iyo qaranimadeeda.
arraweelo.com@gmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1