Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso talaabaddii ay ka qaabi lahayd Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Augustina Mahiga oo dhawaan dalka Kanada kula kulmay Koox dibed wareeg ah oo la baxay

Awdalstate, kuwaas oo dalka dibediisa ka wada dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland.
Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda ee Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in ay aad ula yaaban yihiin kulanka Mahiga uu la yeeshay kooxda sheegatay Awdal state, waxaanu tibaaxay in ay Xukuumaddu ka war hayso dhaqdhaqaaqa Wakiilkaasi, isla markaana ay Madaxweynaha soo gaadhay lagana fiirsanayo talaabada ku haboon ee ay Xukuumad ahaan ka qaadanayaan.
Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) u cadeeyey dhawr kulan oo uu la yeeshay Mahiga Mowqifka Somaliland ee Arrimaha Somalia, hase yeeshee ay fajiciso ku riday kulan uu la yeeshay Kooxaha lidka ku ah qaranimada Somaliland.
Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda ee Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ka jawaabayey su’aal aanu weydiinay oo ahayd sida ay Xukuumad ahaan u arkaan talaabooyinka ka dhanka ah Somaliland ee uu ku dhaqaaqay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Augustina Mahiga, waxa uu yidhi
“Sida aad la socotaan Mahiga waa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, aad iyo aadna wuu uga war hayaa Mowqifka Somaliland dhawr jeer oo uu inoo yimid waa loo sheegay, ku xigeenkiisa oo dalka yimid isna waan u sheegay mowqifkeena.
Markaa iyada oo ay sidaasi tahay waxa aanu aad ula yaabnay Warkaas ay Saxaafaddu qortay, Mahiga waxa weeyaan Nin sida uu u fikirayo la ogaan doono, laakiin Somaliland Xukuumad iyo Qaran ahaanba way la yaaban yihiin talaabada uu qaaday ee uu kula kulmay dadka ka soo horjeeda Somaliland, waana laga fikirayaa wixii talaabo ah ee laga qaadi lahaa.Waana la ogaan doonaa in talaabadan ay tahay mid isaga u gaar ah iyo in ay tahay siyaasada guud oo Qaramada Midoobay leedahay”
Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo aanu weydiinay in ay Xukuumad ahaan ka tashadeen Talaabada ay ka qaadayaan Augustina Mahiga, waxa uu yidhi “Arrintan markiiba way na soo gaadhay oo imika Adduunku Tiknoolijiyada ayaa gaadhay markaa warka iyo Sawiradaba waanu aragnay, laakiin waxaad moodaa in hadal macaan iyo wax ka sheegayo  Somaliland ee uu leeyahay waa dal gooni ah iyo ficilkaas kale ee ka soo hor jeeda Qaranimada Somaliland uu samaynayaa. Run ahaantiina waa wax aad iyo aad loo la yaaban yahay, laakiin wuu ogyahay oo waliba Qoraal iyo hadalba Madaxweynuhu uu ku siiyey Arinta Somaliland ku saabsan.
Labada qolo (Awdalstate iyo SSC) ee doonaya in ay khal khal sidii Argagixisada geliyaan Somaliland iyo Dawladdnimadeeda haddii in uu soo dhex maro waa Siyaasad aad iyo aad loo la yaaban yahay, waxaanan u malaynayaa in talaabada ku haboon laga qaadi doono.”
Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda oo ka jawaabayey su’aal ahayd xukuumadda ahaan siyaasadooda ku aaddan Kooxaha Dhaqdhaqaaqyada lidka ka wada dalka dibediisa sida Awdal state iyo SSC, waxa uu yidhi
“Waxaad ogaataan waxa ay sheegtaan Kooxahan labada Gobol ee Awdal iyo Sool, dadka Goboladaasi degena Awoodoodii iyo taladoodii Qaranimada Somaliland ayey iskugu geeyeen, markaa Saxaafadu in ay wax weyn u qaadato maaha dhawr nin oo cadaystay oo la ogaa in ay Siyaasada Somaliland diidanaayeen, laakiin u malayn maayo in wax saameyn ah oo ay ku leeyihiin labada meelood ee ay sheeganayaan. Waayo labadaa meelood dadkii ka soo jeeday ee Cuqaasha iyo Wax garadkooda lahaa Umaddana u talinayey ee Umadda maaamulka ku lahaa waxa ay ku jiraan Nidaamka, Siyaasada iyo Jihada Somaliland, markaa waxa weeyaan Dawladdana dhawr goor ayaa wax talo ahaa loo faray oo Madaxda qaarkood kula taliyeen in ay iska ilaawaan waxa khal khal gelinaya Qaranimada iyo Nabada Somaliland oo aanay dadku u dul qaadanayn.”
Dr. Maxamed Rashiid waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Had iyo  jeer Dawladda waxyaabaha laga hor tago xeerar ayey leeyihiin oo mid waxa weeyaan dadka ayuu ka wakiil yahay iyo haybada uu ku joogo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa in halkooda la Horumariyo ee maaha inuu kolba Deegaan u talaabo, laakiin inuu Mahiga yahay qof garaneya inuu dadkaa uu isla sawiray ay shacabka reer Somaliland aad uga cadhoonayaan oo ay ka soo hor jeedsanayaan oo ay cadho weyn gelinaysana wuu ka war hayaa, markaa hadaan intaa kaga baxo.
Shacbiga reer Somaliland-na waxaan leeyahay inaydaan waxba eedeyn ee aad ku adkeysataan sidaad waddankiina aad Nabadgelyadiisa aad u difaaci lahaydeen sidaad Ciidamada Nabadgelyada aad u siin lahaydeen taageero weyn, mar walbana markay wax yimadaan  waad arkaysaan halka laga yara dabacsan yahay inaga oo dhinac tallada ka wadna, haddana waad arkaysaan Sudan inay shalay dawlad noqotay, inaguna tiiyoo kale ayaynu doonaynaa inaynu noqono oo aynu Waddan la aqoonsan yahay noqono oo aynu Sudan ku xigno, markaa waxa loo baahan yahay inaynu ogaano Nabadgelyadii dalka iyo Difaaciisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *