Hargeysa(ANN)Wasiirul dawlaha wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan,ayaa sheegay in dawlada cusub ee dalka Masar ay dhawaan xafiis siyaasadeed ka furan doonto Somaliland ka dib markii ay xidhiidh la sameeyeen.Wuxuuna isagoo
arrintaa ka hadlaya yidhi, “Dawlada cusub ee Masar waxay dhawaan ka furan doontaa magaalada Hargeysa xafiis siyaasadeed ka dib markii ay xukuumada Somaliland xidhiidh la sameysay, taasina waxay wax weyn ka tari doontaa cilaaqaadka labada dal,”ayuu yidhi Wasiirul dawladaha Wasaarada Arrimaha debeda Smaliland oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka.
Wasiirul dawluhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ay xidhiidh dublamaasiyadeed la samaysay Dalalka carabta ee Masar iyo Tuuniisiya oo kacdoono shacbi talladdii lagaga tuuray Rijiimadii mudada dheer ka soo talinayay.
Md.Maxamed-Rashiid  waxa uu sheegay in xukuumadu ay ahmiyad siinayso sidii ay iskaashi weyn ula yeelan lahaayeen dalalka dunida carabta oo uu tilmaamay inuu Somaliland ka dhaxeeyo Cilaaqaad balaadhani.
Wasiirul dawluhu wuxuu qurbo jooga Somaliland ee ku dhaqan wadamada caalamka u soo jeediyay  inay wasaaradda Khaarajiga ka gacan siiyaan dedaalada aqoonsi raadinta ee lagu doonayo inay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *