Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigatay qoraal ka kooban afar iyo sodon bog oo ay ku sharaxayso  waxqabadkeedii saddexdii bilood ee u danbeeyay, iyadoo qoraalkaa oo saxaafada loo qaybiyay maanta lagu soo bandhigay waxyaabaha ay mudadaa sadexda bilood ah

 

ka qabatay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhinacyada dhaqaallaha, Caafimaadka waxbarashada, nabadgelyada, tayaynta shaqaalaha, mushahar kordhinata, gurmadkii abaaraha iyo dhaamiska   iyo gebi ahaanba adeegyada aasaasiga ah ee   arrimaha bulshada.
Qoraaalka oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-    

“Wax-qabadka Saddex biloodka jan- March /2011 ee  Xukuumada Somaliland
09/04/2011

Wasaaradda Arrimaha Gudaha

    Nabadgelyada:
Xukuumadu waxay ku guulaysatay iyada oo la kaashanaysa shacbiga, waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo odayaada xiisadii Kalshaale, waxa kale oo suurto-gashay in ay inta badan shacbiga Buuhoodle dareen wanaagsan ka muujiyeen talaabadii xukuumadu ku soo afjartay xiisadii Kalshaale waxa aanu uga mahad naqaynaa Odayaasha, Madaxdhaqameedka, Ganacsatada, iyo Waxgarka dhan walba  ee Gacan ka gaystay in Xasilooni iyo Nabad gelyo lagu soo Dabaalo Deegaamadaasi sidaasi si la mida waxa aanu u mahad naqaynaa Beesha widh-wdh oo si muuqata Dedaalkaa Qayb ku lahaa waxa aanu ku rajo waynahay inta inta ka dhiman ama Hadhsan hawshaa nabad-doonimo in ay iyaduna ku soo afjarmi doonto Gogoshii nabada ee uu madaxweynuhu fidiyey.

    Booliska
1-    waxa Dugsiga Tababarka Booliska ee Mandheera ka soo baxay 7 Dufcadood  oo ay mid waliba ka kooban tahay saddex boqol oo askari (300) oo ka kala yimid gobolada dalka Ciidankaasi waxa Hubaala in uu Xooojinta Nabad gelyada wax wayn ka tari doono.

2-    Waxa kale oo tababar gaara (special training) heerkiisu sareeyo looga furay  dugsiga Mandheera ciidanka SPU-da (Ciidanka Ilaalada Hay’adaha caalamiga ah, wufuuda iyo wakiilada dalalka aynu saaxiibka nahay u jooga Somaliland ,Huteelada waaweyn,Jaamacadaha).  
a-    waxa la dhisay Guddiyadii Ilaalinta Nabadgelyada ee xaafadaha magaalooyinka dalka oo wada Shaqayn.
b-    Waxa la diyaariyay mashruuc ay nala wado Hay’ada UNDP oo lagu dhisayo guddiyada nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka (Peace Building and Conflict Management Committees) ee heer qaran/gobol iyo degmo,
wada shaqeyna la yeelanaya wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada/Degmooyinka, muddo dhowna la heli doono dhaqaalihii lagu dhaqaajin lahaa hawshaasi.
3-    Waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu  qabatay shir-hawleed heer qaran ah (National Convention of the Police Reform) oo ay kasoo qayb galeen wakiilada wadamo badan oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Deeq-Bixiyayaasha iyadoo ay fulinayso Hay’ada UNDP, midhaha ka dhasheyna noqdeen in sideg dega  isbedel laxaad leh loogu sameeyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidanka Booliska, lana dhaqan geliyo  Sharciga Booliska  (Somaliland Police Law), Qaab dhismeedka iyo  Darajooyinka Ciidanka, Tababar saameeya dhamaan qaybaha kala gedisan ee ciidanka, Unifoomka ciidanka, Qaabka qorista oo siddii hore ee ciidanka loo qori jiray laga guuro iyadoo laga qayb galinayo ardayda dhameysata dugsiyada sare, Dhisme cusub oo ay leedahay  xarunta booliska  iyo in laga haqab tiro  agabka hawl-galka ciidanka amniga.
4-    Waxa si aan nasasho lahayn ay ciidamada Boolisku u wadaan hawl- galo ay kula jiraan tuugta, murano ka dhasha dhulka,biyaha iyo daaqsinka,argagixisada iyo fashilinta tabaha cadowgu ku doonayo inay ku khalkhaliyaan xasiloonida iyo dhaqaalaha dalka,sida gubistii guryaha, daabacaada lacagaha faalsada ah,kootarabaanka,tahriibka,ugaadha loo dhoofiyo sida sharci darada ah iyo la dagaalanka dhaqan xumida sida khamriga iyo mukhaadaraadka, waxaana xusid mudan sida laxaadka leh ee ciidamada boolisku uga qayb qaateen difaaca qaranka iyagoo buuxiyay kaalintii ka banaanaatay ilaalinta haamaha shidaalka iyo Dekedda Berbera,
sugayna amniga magaalada Laascaanood mudadii ciidanka milatarigu ku jiray dagaalka.
1-    Waxa deeqdii waxbrasho ee ugu weyneyd taariikhda Somaliland saraakiisha laanta socdaalku ka heleen (25 sarkaal) safaaradda Mareykanka ee Nairobi, kuwaas oo dufcado isdaba joog ah ugu bixi doona Nairobi.
2-    Waxa ciidanka Laanta Socdaalka laga haqab tiray gaadiid isugu jira kuwo cusub iyo qaar la dayac tiray kuwaasoo ay baahi u qabeen, wax weyna ka bedeli doona tayada hawl maalmeedkooda.
3-    Waxa la kordhiyay tirada ciidanka Laanta Socdaalka (67) oo lagu daray miisaaniyada sanadkan 2011 si goob kasta oo ka mid ah xuduudaha, madaarada iyo dekedaha,huteelada la seexdo, IWM, ay uga hawl galaan.
4-    Iyadoo la hubinayo  sugnaanshaha dhalasho iyo dembi la’aaneed,waxa muwaadiniinta loo fududeeyay xaqa ay u leeyihiin inay helaan baasaboorka JSL  wakhti kooban oo munaasib ah.

    Ciidanka Ilaalada Xeebaha
1-    Waxa dib-u-habeyn lagu sameeeyay qaab dhismeedkii ciidanka Ilaalada Xeebaha lana asteeyay fadhiisimihii ciidanku ka hawl galayay oo ka kooban baro ilaalo oo ku teedsan xeebta dheer ee ciidamadu ka hawl galaan, xarumaha waaweyna ay yihiin saldhigga galbeed (Saylac), saldhiga dhexe (Berbera) iyo saldhigga bari (Maydh) lana sameeyay xarunta Taliska Guud (Hargeysa) oo la qalabeeyay.
2-    Waxa dayactir lagu sameeyay haddana hawl gala gaadiidka badda (8 laashash) iyo dekedda dabaalata ee saldhiga dhexe ee Berbera oo ay kusoo xidhaan raxanta maraakiibta iyo doonyaha ciidanka.
3-    Waxa dhisme cusub oo fooq ah laga dhisay saldhiga galbeed xaruntiisa Saylac,iyadoo dayactir laxaad leh lagu sameeyay xarunta saldhiga dhexe ee Berbera iyo ka bari ee Maydh.
4-    Waxa Ciidanka Ilaalada Xeebaha u yimid gawaadhi (14) iyo qalab isgaadhsiineed oo isku xidhaya dhamaan laba iyo tobanka (12) barood ee ku teedsan xeebta.
5-    Waxay madaxda Ciidamada Ilaalada Xeebuhu ka qayb galeen shirar caalami ah iyo Siminaaro  lagaga hadlayay arrimaha Budhcad Baddeeda iyo guud ahaanba tayaynta ciidamada Ilaalada Xeebaha.
6-    Waxa la qabtay 52 doonyood oo  si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaheena kuwaasoo la hor- geeyay sharciga.
7-    Waxay ciidanku qabteen 14 xubnood oo ka mid ah budhcadbadeeda kuwaasoo haatan ku xidhan jeelasha dalka, taasoo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah raga ugu caansan budhcad baddeeda Puntland  oo magaciisa la yidhaa, Cumar C/laahi Cabdi,  fashiliyeena 11 iskuday budhcad baddeed saldhiga bari, dhinaca saldhiga galbeed waxa la qabtay 8 doonyood iyo 3 baabuur oo siday tahriibayaal.
8-    Waxa ciidanka ilaalada Xeebaha muddo dhow u imanaya 19 engine-da doonyaha oo cusub,3 raadaal oo casri ah oo isku xidhan, waxaana laga bedelayaa dekedda dabaalata (floating jetty), waxana loo dhisayaa xarun taliska guud oo saddex dabaq ah.

qaybaha kale ee qoraalka waxqabadka xukuumadda Somaliland oo mihiim ah, isla markaana lagu sharaxayo wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawlada iyo waxyaabihii ay qabteen mudadaa  kala soco shebekadda Araweelonews.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *