Berbera(ANN)Ciidanka Bilayska Berbera ayaa gacanta ku dhigay gaadhi Xamuul ah oo si tuugo ah loogu raray qalab iyo biro ka mid ah hadhaaga wershedii sibidhka ee Berbera, kaas oo laga iibiyay shixnada saaran kooxo ka ganacsada biraha xadiidka iyo qalab mihiim ah oo wershadaasi

lahayn, isla markaana la doonayay in dalka laga saaro.
Gaadhiga oo noocu yahay Waarraad ayaa si xad dhaaf ah looga soo raray dhismaha ay ku taal Wersheda sibidhka ee Berbera, iyadoo laga soo buuxiyay qalab mihiim ah iyo biro, isla markaana shiraac dusha lagaga xidhay, balse uu gaadhigu ku ciiray duleedka magaalada berbera ka hor intii aanu qabsan wadada laamiga ah habeenimadii  Jimcihii oo uu kasoo baxay dhismaha wersheda ee duleedka koonfureed ee magaalada, taas oo keentay inay  ciidanka Bilayska Somaliland ee Berbera  ka war heleen gaadhiga ku cadilmay halkaa. Kadibna ogaadeen inuu xamuulka saarani yahay qalab iyo biro laga soo rarary wersheda sibidhka ee berbera.
Saraakiisha Bilayska ee magaalada Berbera ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in gaadhigaa oo qalabka saaran laga soo qaaday wershedii sibidhka ay baxsadeen kooxdii lahayd, balse ay hayaan wadihii gaadhiga iyo laba nin oo kale oo saarnaa, laakiin ay baadi doonayaan kooxdii ka ganacsanaysay ee wadatay alaabta gaadhiga saaran, isla markaana ay baadi goobayaan oo ay baadhitaan wadaan, “gaadhigu wuxuu ku ciiray wadada ka timaada wersheda ee laamiga gasha, waxaana loogu  tegey  saddex nin oo kuwii gaadhiga ah, mana aanu soo jiidin gaadhiga  oo halkii ayuu yaalaa.”
Sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan ciidanka bilayska Berbera oo shebekada wararka ee Araweeelonews  u xaqiijiyay sheekada gaadhigaa, wuxuuna sheegay in ciidanku arrintaa u hayaan ilaa hada saddexdaa nin ee gaadhiga loogu tegey iyo waardiyayaashii wersheda qaarkood oo lasoo qabtay, isla markaana ay wadaan baadhitaan ku saabsan kooxda hawshaa wadatay iyo kuwa ay yihiin.
Dhinaca warar xog ogaal u ah arrimahaa ayaa shebekada Araweelonews u sheegay inay qaar ka mid ah dadka deegaanku  mudooyinkan u danbeeyay si qarsoodi ah u wadeen furfurashada qalabka iyo biaraha hadhaagii wershedaa, isla markaana loo iib geeyo dhinaca dalka Ethiopia, iyadoo si qarsooodi ah loo raro, kuwaas oo ay isku xidhan yihiin kooxo reer muqdsiho ah iyo kuwo ka yimi dhinaca Boosaaso, iyadoo ay wararku sheegayaan in gaadhiga la hayo laga leeyahay deegaanka Garoowe.
Dhacdadan sida tuugada ah loogu guranayo hadhaagii wersheda sibidhka ayaa kusoo beegantay iyadoo ay soo baxeen maalmihii ugu danbeeyay warar sheegaya inay deegaankaa ka hir gelinayaan wershed cusub oo sibidh ganacsato Somaliland ahi, balse ay soo baxaday koox ka mid ah dadka deegaanka oo ka hor yimi qorshaha wersheda cusub ee laga hirgelinayo deegaanka berbera , kuwaas oo ku dooday in aanay ogolaanayn in wershed sibidh laga dhiso deegaanka, isla markaana ku dooday inay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale  siisay ruqsad ah inay kiciyaan wershedii hore ee sibidhka  oo ay hawsheedii wadaan, balse ay ciidanka Bilayska ee Berbera ku war heleen shixnada qalabka hadhaagii wershedaa ee lagu daabulay gaadhiga oo si tuugo ah la doonayay in dalka looga saaro.
Maaha markii ugu horaysay ee qalab iyo Biro qayb ka ah wershedii hore ee sibidhka si tuugo ah loo rarto, basle dhawr sannadood ka hor xiligii xukuumaddii Madaxweyne rayaale ayaa dad weynaha magaalada Berbera ku war heleen qalab iyo biro laga raray halkaas oo ay xukuumaddii waqtigaasi ogolaatay, isla markaana laga iibiyay kooxo ka ganacsada biraha xadiidka, balse waxa arrintaa ka dhashay buuq iyo sawaxan, taas oo khasab ka dhigatay in la joojiyo wixii danbe, balse talaabada waqtigan ee dib loogu bilaabay qaybihii ka hadhay qalabka wershedaa ayaa ah mid aan la filayn, maadaama ay jiraan kooxo ku doodaya inay haystaan ogolaansho ruqsad ay siisay xukuumaddii hore oo ay kicinayaan wershedaa, kuwaas oo la rumaysan yahay in aanay ka madhnayn qaarkood qorshaha tuugada ah ee la doonayay in dalka lagaga saaro qalabka iyo Biraha wershedaa sibidhka ee Berbera.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *