Djibouti(ANN) ee shalay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalkaa.kadib markii lasoo gebagebeeyay natiijada doorashada ee cod bixinteedu

 

socotay Jimcihii shalay.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Jabuuti waxay ku sheegtay natiijada codadkii la tiriyay in ay kala tahay 80.64% oo uu helay Madaxweynihii xilka hayey Ismaaciil Cumar Geelle iyo 19.36% oo uu helay Musharrixii madaxa-bannaanaa ee Geelle kula tartamayey kursiga madaxtinnimada Jabuuti Maxamed Warsame Raage.
Qoraalka Wasaaradda arrimaha guduhu wuxuu sheegay in Madaxweyne Geelle uu ku guuleystay 80.64%, halka musharaxa madaxa bannaan ee Maxamed Warsame Raage uu helay 19.36%. Natiijada uu ka helay codadka doorashada waxay Madaxweyne Geelle uga dhigan tahay inuu aqlabiyad ballaadhan ku guuleystay doorashada uu ugu tartamay markii saddexaad.
Golaha Dastuuriga ah ee Jabuuti ayaa la filayaa in ugu dambeyn uu ku dhowaaqo sharci ahaan natiijada doorashada ee kama dambaysta ah. Hase ahaatee, Musharraxa Madaxa-bannaan Maxamed Warsame Raage ayaa ku gacan seydhay natiijadaasi lagu dhawaaqay ee doorashada madaxtinnimada dalkaa.

 

 

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu wuxuu ku cawday dhowr  arrimood oo kala ah in Wakiiladiisa laga saaray goobaha codeynta iyo in saacad sharci-darro ah lagu kordhiyay wakhtigii doorashada la soo xidhi lahaa. Sidoo kale, Maxamed Warsame, waxa uu cambaareeyey shir Jaraa’id oo uu Madaxweyne Geelle qabtay, isla markaana uu kaga hadlay arrimaha doorashada, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid wakhtigiisii ka soo hor maray.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha Guddiga kormeerayaasha doorashada Casoowe Idiris Casoowe ayaa warbaahinta u sheegay in doorashadu ay u dhacday si caddaalad iyo xor ah. Saacadda lagu kordhiyeyna wuxuu tilmaamay inay ku timid baahi si dadku ay si nafis ah ugu codeeyaan cidda ay codkooda siinayaan.
Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay ku eedeeyeen dowladda madaxweyne Geelle inay xoog ku muquunisay siyaasiyiinta mucaaradka iyo dibadbaxyo dhacay toddobaadyo kahor doorashada.  Djibouti waa dal yar oo ku yaala  qaaradda Afrika oo uu  Maraykanku saldhig milateri ku leeyahay, isla markaana sannadii u danbeeyay xarun u ahayd ciidamada la dagaalama Budhcad-badeeda iyo argagixisada.

Xisbiyada Mucaaridka ah ee dalka Jabuuti ayaa hore u qaaddacay inay ka qaybgalaan doorashada, iyaga oo diidmadooda ku sababeeyey inaanay jirin Guddi doorasho oo u xaq-soorta Mucaaridka iyo dawladda, isla markaana ay gacanta ku hayso hirgelinta iyo maamulka doorashada Wasaaradda arrimaha gudaha dawladda Jabuuti, sidaa awgeedna aanay ka qaybgalaynin doorasho ay iska sii garanayaan in dawladdu ku shubanayso, balse musharaxa keligii la tartamay madaxweyne Geele ayaa ahaa mid madaxbanaan, taas oo haba yaraatee natiijada uu helay ay noqonay mid guushiisu intaa ka badnaan lahayn haddii ay jiraan gudi doorasho oo madaxbanaan, isla markaana wax baddan laga bedeli lahaa waxyaabaha ay mucaaridku ku dhaliilayeen Xukuumadda talada haysa ee ay uga faagteen  inay ka qayb galaan doorashada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *