http://www.somaliland.org/images/b/2013/03/sheekha1.jpgDubai(ANN)Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo ka mid ah Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo eek u sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa

 

sheegayay in aanu jirin kulan ay wefdiga  Madaxweyneyaasha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ku yeelan doonaan dalka Imaaraadka carabta.

Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu sheegay in hadafkii ay ka lahaayeen socdaalkooda ay dhamaysteen, isla markaana ay maalinta Arbacada ku noqonayaan Somaliland.

Dhawaaqa wasiirka ayaa soo baxay kadib markii ay shebekadda wararka ee Araweelonews  oo soo xiganaysa ila wareedyo ku sugan Dubai xalay baahisay warar sheegaya inay suurta gal tahay in labada dhinac ku kulmaan dalka Imaaraadka Carabta, laba maalmood kadib marka uu dhamaado shirka wadamada carabta ee maanta ka furmay magaalada Dooxa ee dalka Qadar, kaas oo ku eeg maalinta beri ah.

 

Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo wax ka weydiisay wax aka jira kulankaa, wuxuu  isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,  “Sababta aanu dalka Imaaraadka carabta u nimid waxay ka dambeysay marti-qaad aanu ka helnay Hoggaanka sare ee dalka Imaaraadka, intii aanu halkan  joognay waxaanu kulamo la yeelanay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeya Imaaraadka carabta oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Binu Saa’id Al-Nahyaan iyo Sheekh Mansuur Binu Saa’id  Al-nahyaan, waxaanu ka wada hadalnay cilaaqaadka labada dal iyo mashaariic u badan xaga horumarka oo aanu ka codsanay dawlada Imaaraadka carabta.”  Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirka  Arrimaha Debeda Somaliland oo la weydiiyay waxa jira wararka  sheegaya in lagu wado in Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan dalka Imaaraadka , wuxuu yidhi, “Sidaan hore u sheegay waxaanu halkan u nimid inaanu ka hadalno arrimo u badan xagga horumarka, sida dhaqaalaha, caafimaadka, Tacliinta iyo xagga wadooyinkaba. Balan aanu xagan (Imaaraadka) ku lahayn Madaxweynaha Soomaaliya ma jirto. Shir labada madaxweyne ay dalkan ku balansanaayeena ma jro.

Markaa wararka sheegaya inaanu Imaaraadka u nimid inaanu is aragno Madaxweynaha Soomaaliya waa warar aan jirin oo aan sal lahayn, Booqashadii rasmiga ahayd ee aanu Imaaraadka u nimi way noo dhammaatay. Madaxdii ugu saraysay dalkana waanu kulanay si wanaagsanna way noo soo dhaweeyeen. Muraadkii aanu socdaalkan ka lahayna waanu ka dhamaysanay Berina waxaanu ku noqonaynaa Somaliland isagoo aan madaxweynaha Soomaaliya aan imanba.”

Hase yeeshee mar  oo la weydiiyay Dr. Maxamed Cabdilaahi halka ay ku dambeeyeen wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi,  “Wada hadaladii loogu baaqay inay dhex maraan Somaliland iyo Soomaaliya hore ayay u bilaabmeen dawladii Sh. Shariif madaxda ka ahaa, intii dawladan cusubi ay jirtay nasiib darro wali may suurto-gelin.
Waayo dawlada cusub ee Soomaaliya waxay ku mashquulsanayd arrimo badan oo xasaasi ah oo iyaga u gaar ah nabad-gelyadu u badan tahay.

Annaguse (Somaliland) dhawr jeer baanu ku celinay, diyaarna waanu u nahay. Waxaanan kuu sheegayaa imika inay socdaan qorsheyaal lagu damacsan yahay in wada-hadaladii mar labaad si wanaagsan dib ugu bilowdaan. Diyaarna waanu u nahay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya Mawqifka kama danbaysta ah ee shirka London yidhi,  “Arrintaasi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa si wanaagsan uga hadlay. Waxaanu u aragnay in shirkani inuu yahay mid khaas u ah umuuraha dawlada cusub ee Muqdisho oo uu waliba xaga Nabad-gelyada u badan yahay. Guulna waanu u rajaynaynaa.

Laakiin waxaanu jecel nahay in labada dawladood is arkaan oo ay bilaabmaan wada hadaladii lagu baaqay sanadkii hore. Shirkan waxa loo qabanayaa in Soomaaliya taageero xaga nabad-gelyada ah la siiyo. Laakiin Somaliland iyo Soomaaliya waxay u baahan yihiin shirar kan ka duwan oo beesha caalamkuna ay ka qeyb-gal iyo taageeraba ku yeelato.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha debeda Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *