Ceergaabo(ANN) Xiisad Colaadeed oo la tagaan deegaanka Ceeryaan oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa sii kordhay. Kadib markii dil ka dhacay halkaa  horaantii todobaadkan

 

dhawr maalmood ka hor uu sababay inay  malayshiyaad ka socda labada dhinac isku urursadaan Deegaanka Ceeryaan oo dhinaca Galbeed ka toosan degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Xukuumadda Somaliland ayaa Cutubyo ka torsan Ciidamada Qaranka iyo Booliska u dirtay halkaa, balse xaalada ayaan weli waxba iska bedelin sida ay sheegayaan warar shebekadda Araweelonews ka heshay dad ku sugan deegaanka, iyadoo ay adagtahay isgaadhsiinta deegaanka.
Qaar ka mid ah dadka Deegaanka oo shebekadda wararka ee Araweelonews la xidhiidhay ayaa sheegay inay Ciidamada la geeyay deegaanku aanay waxba ka bedelin xaalada oo laga cabsi qabo inay arrintu faraha ka baxdo. Kadib markii dhinaca uu kasoo jeedo Marxuumka la dilay diideen inay u hogaansamaan awaamiirta Ciidanka iyo Odayaasha gaadhay deegaanka dhawr maalmood ka hor, taas oo laga cabsi qabo inay xaaladu faraha ka baxdo.

 

Sidoo kale waxay wararka ka imanaya deegaanku sheegayaan in Ciidanka goobta jooga awoodi waayeen inay hakiyaan gaadiidka lagu daabulayo Malayshiyaadka isku Urursanaya halkaa, iyadoo gaadiidka ka qayb qaadanaya abaabulka dagaalka  iyo xiisada ka taagan deegaanka ee dadka walaalaha ah ay qayb ka yihiin Gaadiidka Hay’adda Bisha Case e gobolka Sanaag, kuwaas oo Caawimooyinkii yaalay Bakhaarada ay Bisha Cask u leedahay Ceergaabo u raray deegaankaa, isla markaana saanad Raashin iyo Dawooyin ah u geeyay Malayshiyada ku sugan halkaa, taas oo ka cadhaysiisay dadka deegaanka.

Dhinaca kale Masuuliyiinta Xukuumadda ee Gobolka iyo Hay’adda Bisha Cas oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino doorka ay ku leeyihiin abaabulka  Colaadda laga wado deegaanka  iyo eedaymaha loo jeedinayo ayaanay noo suurta gelin, kadib markii ay ka jawaabi waayeen khadka Isgaadhsiinta oo aanu marar  kala duwan kula xihdiidhnay si aanu wax uga weydiino xaalada ka taagan halkaa iyo doorka ay ku leeyihiin.

Xiisada ka taagan deegaanka Ceeryaan ayaa ah mid ka dhalatay. Kadib markii Nin ka tirsan dadka Deegaanka gobolka Sanaag lagu dilay Todobaadkan, taas oo lala xidhiidhiyay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo soo noqnoqday iyo dil Aaano hore oo u dhaxaysay dadka deegaanka oo ka dhacay Magaalada Ceergaabo, balse aan wax xal ah laga gaadhin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *