Hargeysa(ANN)Xisbiga tallada haya ee KULMIYE, ayaa  cayimay qabashada shirka golaha dhexe ee xibigaa oo muran ka aloosnaa qabashadiisa.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo war-gelin ah oo uu soo saaray Xoghayaha Golaha Dhexe Mustafe Maxamed Yoonis, kaas oo shaaca ka qaaday in ay March  31-ka Bishan ay qaban doonaan shirkoodii Golaha dhexe.

Qoraalka kooban ee uu soo saaray Xoghayaha golaha dhexe ayaa u qornaa sidan:-“Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE wuxuu ku wargelinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inay ka soo qaybgalaan shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo dhici doona 31/03/2013, ahna maalin Axad ah, kana dhici doona Huteelka Maansoor markay saacaddu tahay 9:30 subaxnimo, shirkaas oo socon doona hal maalin.

Mar labaad dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE waxaan ku adkaynaynaa inay ka soo qaybgalaan shirkaas oo aanay ka maqnaan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhinaca kale qoraalka ayaa soo baxay kadib markii muran mufdooyinkii u danbeeyay ka taagnaa qabshada shirka golaha dhexe ee Kulmiye, kaas oo ay isku khilaafsanaayeen masuuliyinta hogaanka xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda.
Sidoo kale qoraalka lagu cayimay mudada shirka golaha dhexe ayaa kusoo beegmay iyadoo Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyihii xisbiga Kulmiye safar ugu maqan yihiin dalka Imaaraadka Carabta, lamina ogga inay marka ay dalka kusoo laabtaan ay wax iska bedeli doonaan mudada loo cayimay shirka golaha dhexe.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *