hubaalHargeysa (Araweelo News Network) Xeer-ilaalinta Gobolka Hargeysa ayaa si rasmi ah ugu gudbisay maxkamadda Gobolka eedaymaha loo haysto Wargeyska HUBAAL ee dhawaan la xayiray. Kadib markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka cadhootay warar lagu baahiyay

 

Wargeyska oo sababay in la xayiro wargeyskaa oo ahaa maalinle kasoo baxa Magaalada Hargeysa, isla markaana lala wareego xaruntiisa.

Qoraalka eedaha dacwada loo gudbiyay Maxkamadda, ayaa ah kuwo isugu jira warar iyo macluumaad Wargeysku dhawr bilood ka hor baahiyay iyo kuwo uu maalmihii u danbeeyay baahiyay, waxayna  Sida ka muuqata eedahaa oo sadex ah u muuqdaan kuwo ku saabsan arrimo kala duwan.
Sida ku cad xaashida eeda ee ay soo oogtay xeer-ilaalinta oo uu ku saxeexan yahay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Hargeysa Mr. Farxaan Mire Cismaan, waxa lagu eedeeyey wargeyska Hubaal laba eedaymood oo la xidhiidha maqaallo wargeysku qoray oo ku wajahan dalalka Itoobiya, Masar iyo Soomaaliya iyo qoraal kale oo ka hadlayay maamulka iyo xaalada Madaxweyne Siilaanyo ee hogaamineed.

Dacwadda xanbaarsan eedaymaha, waxa eedaysanayaal looga dhigay Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Hubaal – Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi, waxay u qornayd sidan:

“KU EEDAYSAN:- Eeda: 1aad; waxa si wadajir ah la idiinku eedaynayaa dambiyada kala ah; been-abuur, daabacaad warar been iyo sumcad-dil ah ee ku xusan qodobada 287, 328, 452, -45-71 XCG oo lala akhriyo qodobada 10,12,13,14, ee xeer lambar 27/2004 xeerka saxaafadda, sababtoo ah taariikhdu markay ahayd 21/1/2013 cadadka 147 waxaad wargeyska Hubaal ku daabacdeen war aad ciwaan uga dhigteen ‘Hawlwadeenno ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Hargeysa oo xasaanada dublamaasiyadeed uga faa’iidaystay ka ganacsiga Khamriga iyo Xashiishada.’ Idinkoo sheegay in ay maandooriyahaa ku soo geliyaan gaadiidka gaarka ah ee safaarada iyagoo ka faa’iidaysanaya baadhis la’aanta, idinka oo sheegay in ay ka iibiyaan shaqaalaha ajaanibka ah eek a tirsan hay’adaha caalamiga ah ee dalka degan iyo kooxo ka tirsan bulshada reer Hargeysa ee balwada u leh isticmaalka maandooriyayayaasha.

Warkaas oo ah mid been abuur ah oo aad ka fidiseen safaaradda si badheedha, sumcad-dilna ku ah dublamaasiyiinta safaarada Itoobiya, taas oo wax weyn uu dhimi karta xidhiidhka saaxiibtinimo iyo walaaltinimada ee Somaliland iyo Itoobiya, sidaana waxaad ku gasheen dambiga sare ku xusan.

EEDA 2aad: Waxa si wadajir ah la idiinku eedaynayaa dambiyada kala ah; been-abuur, daabacaad warar been ah iyo sumcad-dilid madaxda qaranka iyo siyaasadooda hoggaamineed oo ku xusan qodobada 287,328,452,199 – 45-71 XCG iyo qodobada 10,12,13,14 xeer lambar 27/2004 xeerka saxaafadda, sababta oo ah cadadka wargeyska 262 ee soo baxay 08/6/2013 waxaad ku daabacdeen war aad ciwaan uga dhigteen (Milicsiga taariikhda iyo qorshayaasha weerar ee Masaarida maanta iyo kii 1998.’ Idinka oo si badheedh ah diradiraale uga dhex aloosaya dawladdaha Masar iyo Itoobiya, idinka oo qoraalkiina ku tilmaamay inay kala jiidanayaan Soomaaliya si gaar ahna u sii tilmaamaya inay Masaaraddu damacsan tahay in ay saldhig ciidan ka hesho dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto, xusayna in Wasiirka Daakhiligu si qarsoodi u tagay dalal Carbeed oo gacan-saar la leh Masar, arrintaas oo ah barobagaandho caddaan ah oo aad fidno kaga dhex abuuraysaan Somaliland iyo dalalka deriska ah.

Waxa kale oo cadadka wargeyska 264 ee soo baxay 10/6/2013 ku daabacdeen war aydun ciwaan uga dhigteen (“Waxa xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyo uu haleelay gabow sababay in awooddii xukuumaddu u gacan-gasho gacan-yarihiisa isbahaysiga la leh dhaqdhaqaaqa Salafiga Jihaadi.”) warkaas oo ah mid been abuur ah oo aydun si badheedh ah wax ugu dhimaysaan sharafta iyo karaamada Madaxweynaha Qaranka MD. AXMED MAXAMED MAXAMUUD iyo weliba karaamada iyo sumacadda qaranimada Somaliland oo aad ku tilmaanteen mid la kala jiidanayo meelna aan fadhiyin.

Sidaasna waxaad ku gasheen dambiga sare ku xusan, la idinkuna soo eedeeyey dambiguna waxa uu ka dhacay Hargeysa. Maxkamadda waxaannu ka codsanaynaa inay cayinto goorta la dhagaysanayo dacwadda, soona saarto si waafaqsan Qod/80 aad XHG.

Markhaatiyaal

1. Daahir Muuse Abraar T/Q/B/D/C.I.D….                       Marag

2. Maxamed Nuur Kaariye…….B/dacwadda…..               marag

3. cadadyada Wargeyska Hubaal………………                 M/muujin.” Ayaa lagu soo gabobeeyey qoraalkaasi xeer-ilaalinta gobolku ku baahisay eedaymaha ay ku soo oogtay Wargeyska Hubaal.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *