Siyaasiyiinta Ka hadlay HubaalHargeysa(Araweelo News Network) Siyaasiyiinta Somaliland ayaa si adag uga Hadlay xayiraada Xukumada Madaxweyne Siillanyo Saartay WargeyskaHubaal  oo ah Wargeys Madaxbanaan oo si maalinle ah uga soo bixi jiray magaalada Hargeysa, balse Xukuumadda

Somaliland xayirtay.  Kadib markii Maxkamada Gobolka Hargeysa go’aan ay ku xayiray soo saartay laba todobaad ka hor.

Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi, Guddomiye Ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga ucid Mujaahid Cali Guray iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa ka hadlay xayiraada wargeyska Hubaal  Shirjaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf oo ay kaga hadlayeen Xalada Dalku ku sugan yahay iyo Xayirada Wargeyska Hubaal oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid soo noolaynaysa wixii laga Dagaalamay.

Masuuliyintani wax ay Madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen in uu sidda ugu dhaxsaha badan uu Xayiraada ka qaado wargeyska Hubaal, waxay ku booriyeen in wakhtigii uu mucaaridka ahaa Siilanyo uu mar walba uu odhan jiray saxaafadu waa Xor ee yaan la xidhin oon la dhibaataynin markii uu kursiga uu fulayn uu xadhig iyo Cagajuglayn iyo cabudhin uu isku daray.

“Waxaannu isugu nimid inaannu eray xaq ah u nidhaahno Wargeyska Hubaal, inaannu u nidhaahno xorriyatul-qowlka, waxaannu halkan u fadhinaa wixii dadkan iyo dalkani u burbureen oo xorriyatul-qowlku kow ka ahaa, waxaannu halkan u fadhinaa Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shan sannadood iyo badh hoggaaminayey Ururkii SNM, oo hoggaaminayey Xisbiga Kulmiye.” Sidaa waxa yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Ujeeddooyinka iyo ahdaafka uu u dagaallamayey waxay ahayd xorriyatul-qowlka, ninbaa laga hayey wax walba isa-saarayoo laba tagoogood ismaan saarin, Mudane Axmed Siilaanyo ayaa Somaliland madax ka ah iyo Wargeyskii Hubaal-baa xidhan, waxaannu leenahay xadhigga Hubaal iyo waxa ka dhacayaa maaha sharafta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”

“Maaha milgaha Xukuumaddiisa, maaha ka Madaxtooyada, mid aynu aqoonsi ku helayno maaha, mid la innoogu garaabayo maaha, waa mid la innagu cambaareynayo oo Aakhiro la innoogu daadejinayo, waxaannu magan uga nahay (Madaxwaynaha) in Wargeyska Hubaal la siidaayo, waxaan leeyahay 20-ka Hubaal ka shaqeeya yaan lagu darin kuwa dalka ka qaxaya (Dhalinyarada Tahriibaysa). Markaa, Madaxwayne sharaftaada iyo milgahaaga maaha (in la xidho Hubaal) ma difaacayno oo wixii eed ah ee ay leedahay hallagu qaado ee waxaannu leenahay halla sii daayo Wargeyska.” Sidaa ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyay inuu talada Qaranka wax ka siiyo. “Madaxwayne wixii innaga xumaaday aynu wada saxno oo aynu ceebteenna asturno, midna xasuusnow oo dadkayagii kula soo shaqeeyey Wallaahi baa naan ku necbayn oo aannaan xumaantaada doonayn, waayo? Xumaantaadu waa xumaantayada, SNM-bay taabanaysaa, SNM waatii soo halgantay, annagana mar sheekada nagu dar oo maxay idinla tahay-da hannagala bakhaylin oo nala tasho.” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), oo ka mid ahaa siyaasiyiin dhowr ah oo shalay Xukuumadda ugu baaqay in xayiraada laga qaado Wargeyska Madaxa-banaan ee Hubaal, ayaa sheegay in Madaxwayne Siilaanyo aanu ahayn qof qabiil neceb ama xumaan caloosha ku haysta.

Cali-Guray, waxa uu sheegay in Madaxwayne Siilaanyo uu weligiiba ku fikirayey inuu hoggaamiyo dal caddaaladda iyo xorriyatul-qowlku biyo-dhigeen, balse aanu ahayn Masuul qofka xumaynaya iska qaban kara.

Cali Yuusuf Maxamed (Cali-Guray) oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Madaxwayne Siilaanyo nin xun maaha, nin cadowtinimo leh oo calool-xun maaha, nin nacayb ku jirana maaha, nin qolo necebna maaha,  nin qabyaaladeedna maaha. Laakiin dhibaatadiisu waxa weeyaan waar (“iga fadhiiso” ayaanu lahayn) sidii ina Cigaal saqda dhexe intuu ku soo kaco uu ninka siyaasaddiisa lidka ku ah uu adhaxda qaban-jiray ee uu sida Aarka shanta mayl tuurayey, isagu sidaa maaha (Siilaanyo) kan goosanaya waxa uu odhanayaa ha I goostee iska daa’…Xorriyatul-qowlkuna waa wixii aannu u soo dagaallannay, Madaxwayne Siilaanyo-na wuu ku celcelin jiray inuu ka tago “Legecy).” Ayuu yidhi Cali Guray wuxuuna Xukuumadda ugu baaqay in xayiraadda laga qaado Wargeyska Madaxa-bannaan ee Hubaal, kaas oo dhawaan Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex xayirtay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *