Al-shabaab Oo Qarax Iyo Weerar Wada Socda Ku Qaaday Xarunta Qaramada Midoobay Ee MuqdishoMuqdisho(Araweelo News Network) Qarax iyo weerar wada socda ayaa maanta lagu qaaday xarunta  Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP ku leedahay Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhacay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo qaarkood yihiin dad ajaanib ah,

 

 

 

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhinatay tiro kalena intaa ka badanina way ku dhaawacmeen, ka dib markii maanta barqadii ay rag hubaysan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Hay’adda UNDP, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 7 qof oo laba ka mid ahi galeen gudaha, kadibna isku qarxiyeen, halka shanta kale ay ku dhinteen dagaalka ka dhacay goobta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysan ee weerarka qaaday ay gudaha u galeen xarunta hay’adda, markaa kadibna la maqlay qaraxyo iyo rasaas ay is waydaarsanayeen ilaalada xarunta iyo kooxda weerarka qaaday, iyadoo kooxda Al-Shabaabna ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen dhismaha Xarunta UNDP oo ay gebi ahaanba la wareegeen.

 

Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho weerarka ka dib, ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay gabi ahaanba la wareegeen ammaanka dhismaha xarunta Hay’adda UNDP, wuxuuna sheegay in tirada dhimashada ay ilaa hada hayaan ay tahay 15 qof oo ka mid ahaa dadkii xarunta joogay, kuwaas oo sida uu sheegay ay ku  jiraaan 4 Soomaali ah iyo 4 Ajaanib oo ka mid ahaa shaqaalaha iyo istaafka xarunta,  isla markaana ay ciidamada dowladdu dileen shan ka mid ah raggii weerarka soo qaaday. Balse  wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashada iyo khasaaruhu intaa ka badnayahay oo dhawr saacadood ka dib la maqalayay rasaas ka dhacaysa halkaa.

Dhinaca kale 18 Qof oo dhaawac ah ayaa la geeyay cusbitaalka Madina sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadku.

Sidoo kale Wararku waxay intaa ku darayaan in gudaha dhismaha UNDP-da iyo inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo KM4 uu dagaal ka dhacay maanta. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka maanta.

Xarunta Hay’adda Qaramadda Midoobay ee UNDP oo xafiisyo badan ku lahayd dhismaha la weeraray, isla markana ay inta badan ka hawlgalaan dad ajnebi iyo Soomaali, balse lama xaqiijin karo tirada dadka joogay xarunta iyo dhalashadooda toona.

Ciimada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee  Soomaaliya, ayaa dhaleeceeyey weerarka lagu qaaday xafiiska UNDP, waxayna hadal qoraal ah oo ay soo saareen ku  sheegeen in weerarada noocan oo kale ahi ay marinhabaabinayaan dadaalada ay dadka Soomaaliyeed dib uga soo kabanayaan sanadihii colaadda iyo kala danbeyn la’aanta.

 

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maleeshiyada Alshabaab ka saaray magaalada Muqdisho muddo  laga joogo laba sano, balse waxa ay kooxdu weerarro iyo qaraxyo si joogta ah uga geystaa Magaalada Muqdisho iyo meelo kale, iyadoo bilihii April   ay weerar ku qaadeen oo gudaha u galeen dhismayaasha xarunta Maxkamadaha, weerarkaa oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba sababay.  weerarka xarunta Qaramada Midoobay ee UNDP ku leedahay Muqdisho, ayaa kusoo beegmay, iyadoo Qaramada Midoobay waqtigan qorshaynaysay inay xafiiskeeda iyo hawlaha uu qabto usoo raraan magaalada Muqdisho.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *