Guntarimagearaweelonewsarchive

Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa maanta dalka ka mastaafurisay Gunter Bischoss, oo ahaa Nin Jarmal ah oo ku xidhnaa xabsiga Mandheera.  ka dib markii lagu helay inuu faafiyay sawiro dhaqan xumo ah oo ka dhan ah diinta islaamka iyo dhaqanka bulshada.

 

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa horaantii January 2011  ku  xukuntay 4 sanadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $10, 000  kun oo Dollar.  Iyo  sidoo kale in laga masaafuriyo dalka oo aanu weligii dib ugu soo laaban Somaliland. kadib markii lagu helay inuu ku kacay falal dhaqan xumo ah oo uu ku sameeyay gabdho  Reer Somaliland ah.
Sii daynta Mr. Gunter lagaga masaafuriyay dalka Somaliland ayaa ka dambaysay ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu cafis u fidiyay ninkaasi oo sida la sheegay xaaladiisa caafimaad aad u liidatay xiligan,  isla markaana ay Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Safaaradda Dalka Jarmalka ee Ethiopia kala soo xidhiidheen Xukuumadda Somaliland Ninkaa oo xaaladiisu aad u liidatay.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aar, ayaa xaqiijiyay mastaafurinta ninkan oo lagu sii daayay cafis madaxweyne. Sida ay sheegayaan  warar xog ogaal ah ninkan ayaa la sheegay inuu mudooyinkii u dambeeyay ka soomay cuntada,  isla markaana uu xanuunsaday.

Mr. Guntar oo sannadii u danbeeyay sheegan jiray inuu Islaamay oo uu la baxay Magaca C/fataax, ayaa fadhigii ugu danbeeyay ee dhegeysiga kiiska loo haysto Maxkamadda horteeda ka cadeeyay inuu yahay nin Kiristaan ah, isla markaana aanu weligii qaadan Diinta Islaamka. Mr. Guntar  wuxuu fulin jiray mashaariic uu ka qaadan jiray Ha’yaddaha, isagoo mashaariicdaa qaarkood ka fulin jiray xaafaddaha dadka saboolka ahi ku baddan yihiin ee magaaladda Hargeysa iyo meelo kale. Sidoo kale wuxuu lahaa ganacsi goob lagu farsameeyo khadka Printarka.
halkan ka akhri xukunkii Ninkaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *