Hargeysa (ANN) Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi  Ggaboose ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin ee ay been iyo aragagax in lagu abuuro oo keliya bulshada caasimada ay tahay  sheekada soo baxday maalmihii u danbeeyay ee ah in gurayaha gubanaya lagu tuurayo

dushooda waxyaabo kiimiko ah, isla markaana la marinayo calaamado.

Dr. Gaboose waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaliaga oo maanta wax ka weydiisay arrimaha gubashada 19 gurri oo ku gubtay xaafada New Hargeysa ee waaxda gacan libaax saddexdii todobaad ee u danbeeyay. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Somaliland waa dal nabad ah caasimaduna way balaadhatahay oo hada dad hal milyan ku dhaw ayaa ku nool amaankeedu waa fiicanyahay, waxyaabaha dhacay ee  beryahan danbe la bilaabay in guryo la gubo  19 guri ayay noqdeen markaanu tiradoodii isu geynay, waxayna ahayeen 17 ka mid ahi Buulal iyo waabab  karaatuun iyo waxyaabo kale ka samaysan oo dad danyar ahi ku jireen, balse laba guri oo keliya ayaa  guryahaa gubtay ahaa dhismayaal daaro ah. Wax daba oo weyn oo gaadhayna ma jiraan labadaa sida warbixinta aan Booliska ka halayno.

Wax wax lala yaabo ah dhamaantood waxa dabka la qabadsiiyay barqadii iyo duhurkii, mana jirto cid bini’ aadam ah oo wax ku noqotay, dhaawac iyo dhimasho toona, taas oo muujinaysa inaan markaa cidi joogin, waxa kaloo wax lala yaabo ah inaan gurayahaa buulasha ah wax maacuun iyo alaab ku gubatay loogu dhex tegein. Arrimahaa ayaa Booliska iyo denbi baadhista u iftiiminayay su’aalo baddan, waxa lasoo qabqabtay  dad baddan,  dadkaana markii xalay wax la weydiiyay waxyaabo baddan ayaa soo if baxay.” Ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Wuxuuna isagoo sharaxaya dadka la qabtay ee falkaa lala xidhiidhay yidhi, “Dad baddan ayaa lasoo qabtay dhalinayaro weeye, qaarkood waa lasii daayay markii baadhitaan lagu sameeyay. Magaalada hargeysa ee baaxadaa leh dhacdadani waxay ku kooban tahay  waaxda gacan Libaax oo keliya, magaaladuna lama qabto.

Markii aanu soo ururinay waxyaabaha lagu tuuray guryahaa ee sida gaasta, batroolka iyo waxyaabaha kale, marka laga reebo batroolka iyo gaasta mooye waxyaabaha kiimikada ee la sheegay waxba kama jiraan, waayo dab ayaan saaray, milicda cadceeda ayaan dhignay mana aha wax kiimiko ah oo khubaro ahi sameeyeen ee waa been dadweynahana waxaan u sheegayaa inay waxaasu tahay   dacaayad iyo in argagax lagu rido oo la yidhaahdo guryii ayaa la calamadiyay iyo guriga dushiisa ayaa wax ololaya laydinka marinayaa waxaa waxba kama jiraan ee waana been ee ku kalsoonada ciidamada. Inatan yar oo aan ognahay inay wadaan in wax isla og, waxaan ku rajo weynahay in gacanta lagu dhigo.

Dadka lasoo qabtay ayaa wax bixiyay oo ka hordhici maayo baadhista iyo denbibaadhayaasha iyo halkay u tegayaan. Laakiin waxaan xaqiijinayaa in baadhitaanku meel fiican marayo. Bilayskuna waxay doonayeen in cidii waxan soo abaashushay iyo denbiilaha weyn ay halkiisa ugu tagaan oo deg degaa laga ilaalinayay. Dadweynaha waxaan ugu celinayaa inay been tahay in guryo la calaamadinayo oo ay maskaxdooda ka saaraan oo is dejiyaan.
Dadka waxan samaynayaa ujeedada ay leeyihiin waxa weeye mid Somaliland lagu xumaynayo, waxaana ka muuqata inay lexejeco ka qabaan oo aanay doonayn inay nafo ku dhintaan dabka, ama kuwo xil waayay ha ahaadaan ama kuwo ujeedo kale leh ha noqdeene way soo baxayaan waana la araki doonaa.   Ayuu yidhi Dr. Gaboose

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Hargeysa iyo Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta ka hadlay  Guryaha lagu gubay xaafada New Hargeysa ee degmada Gacan libaax oo dadweynaha ku riday sas. Kadib markii fasiraado  aan xidhiidh la lahayn iyo borobagaando dadka cabsi ku abuuray suuqa la geliyay.

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Hargeysa Mawliid Waris oo ka hadlay ka dib markii isaga iyo masuuliyiin kale ay booqdeen qaar ka mid ah  Guryihii la gubay  ayaa sheegay in la gubay 21 Guri oo u badan carshaan iyo Jiingado, waxase uu tilmaamay inay Daarana ku jireen.
“Guryahaasi la gubay waxay u badan yihiin Buulal iyo Jiingado, binooyin daarro ahina way ku jireen, nasiib wanaag  ma jiro cid ku dhaawacantay iyo cid ku dhimatayba waxaad moodaa in dadka laga faa’iidaystay oo cabsi lagu abuuray, waxaanu bulshada u soo jeedinaynaa inay is dejiyaan wixii ay ka shakiyaanna ciidamada ammaanka la soo xidhiidhaan oo ay guryahooda ku sugnaadaan iskana daayaan tashuushka lagu furay,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenku waxaanu Tacsi u diray qoysaskii guryahoodu ay ku gubteen.
Sidoo kale, Taliyaha qeybta Booliska ee barriga magaalada Hargeysa Maxamed Ducaale Cali oo u waramayay saxaafada ayaa sheegay in sheegay in guryaha gubtay ay gaadhayaan 21 Guri oo sida uu carabka ku dhuftay u badan Buulal iyo jiingado.

“Waxaanu aragnay Guri shuf beelay oo hadana  aanay xataa weel muu dhex oolin oo waa laga saaray, waxa naloo sheegay in dusha lagaga shubay  baatrool cidina waxba kumay noqon,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Waxaanu sheegay inay kiiskan u hayaan dhawr iyo toban qof, waxaanu dhaliilay dadweynaha oo uu tilmaamay inay ahayd inay  Booliska si dhab ah ula shaqeeyaan.
Illaa imika ma jirto cid wax kaalmo ah gaadhsiisay dadkii ku baro kacay guryahan la gubay oo u badnaa dad danyar ah. Waxa kale oo maanta magaalada Hargeysa dadweynuhu ay ilaashanayeen guryahooda iyagoo dusha ka fuulayay jiingada oo ay ka baadhayeen in xalay lagu soo tuuray walxo dareere ah oo sida la sheegay loo adeegsaday gubista guryahan.

Araweelonews Mobile
Somaliland  Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *