Hargeysa(ANN) Tan iyo intii ka dambaysay shirkii dhowaan ka dhacay xarunta Wilton Park ee magaalada London oo uu ka qayb galay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland. Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa jiray dood iyo aragtiyo kala duwan oo laga sheegayey shirkaas ujeedadiisa iyo weliba

ka qayb galkiisu sax iyo qalad ka uu noqonayo, waxaanu kiciyay dareen xaasaasiyadeed oo uu ka dhex abuuray bulshada iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Haddaba wargeyska Geeska Afrika oo daba gal ku sameeyay xaqiiqda shirkaa iyo waxyaabihii lagaga hadlay ayaa la xidhiidhay wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska, si uu wax uga weydiiyo shirkaa. Wargeysku waxa uu la xidhiidhay Sarah Saxton, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda kana tirsan qaybta wararka ee wasaaradda, waxaanay Sarah Saxton sheegtay in shirkaasi  ahaa kulankii u horeeyay ee caalami ah ee ay Somaliland ka qayb gasho, iyadoo wax qiimo badan ku tilmaantay in la maqlo codka Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

War faahfaahsan ma ka bixin kartaa doorka ay Somaliland ku lahayd shirkii dhowaan ka dhacay Wilton Park?.  “Ka qayb galayaasha shirka Wilton Park waxa ay isla qaateen in doodahoodu ay ahaadaan kuwo albaabadu u xidhan yihiin, si loo abuuro jawi ay dareemi karaan xorriyad, aragtidoodana u dhiiban karaan iyaga oo aan wax cabsi ah ka qabin in si qaldan loo turjumo. Shirku waxa uu isu keenay xubno muhiim ah oo uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, waxaana looga gol lahaa in la dhiso faham caalamiya iyo  in la mideeyo aragtiyaha ku aaddan habka ay tahay in loo maro xal u helidda caqabadaha Somaliya. Waxa uu ahaa kulankii caalamiga ahaa ee ugu horreeyey ee ay Somaliland ka qayb gasho.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, madasha hadal ma ka jeediyey iyo bandhig mise waxa uu keliya hawlaha shirka uga qayb qaadanayey si la mid ah ka qaybgalayaasha kale?

“Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cumar, waxa uu madasha ku soo bandhigay sharraxaad ku aaddan sida ay Somaliland u gaadhay nabadda iyo xasilloonida. Waxa uu sida oo kale ka qayb qaatay doodihii shirka hawl-wadareedyadii kale, isaga oo la wadaagaya aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa. Waxa arrin qiimo badan ahayd in codkiisa laga maqlay shir caalamiya”.

Wasaaraddiinu ma aaminsan tahay in shirar noocan ahi ay gacan ka geysan doonaan fududaynta nabad u raadinta Somaliya iyo dib u midaynta maamullada kala duwan ee ka jira Somaliya?

“Shirku kuma uu saabsanayn go’aan ka gaadhista mustaqbalka Somaliya. Si kastaba ha ahaato ee, waxa aanu aaminsannahay in shirarkan ay dhinacyada badani ka qayb qaadanayaan ay caawin karaan in is aamin laga dhex dhiso dhinacyada Somaliya, waxa ay sidoo kale taageero u noqonayaan bilowga hab ay Soomaalidu hoggaaminayso oo arrimahooda lagu xallinayo”.

Shirkani bilow ma u noqon doonaa shirar noociisa ah oo taxane ah mise intaas ayuu ku koobnaa?

“Shirka ka dhacay Wilton Park waxaa ku deeqay Ingiriiska, si uu bulshada caalamka iyo Soomaalidaba uga caawiyo fahamka caqabadaha Soomaaliya, iyo in aragti midaysan laga yeesho hababka loo baahan yahay in loo maro xallinta caqabadahaas. Shirkan looma qaban in go’aan lagaga gaadho mustaqbalka Somaliya, ama in lagu heshiiyo in shirar dheeraad ah oo noocana la qabto.  Hadda ma jiraan qorshayaal lagu qabanayo shirar kale oo noocan ahi”.

Xigasho Wargayska Geska Afrika

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *