Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdlillaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana  ah  Gudoomiyaha gudida gurmadka Abaaraha, ayaa kasoo laabtay socdaal  qaatay Afar maalmood oo la xidhiidhay xog ogaalnimada  deegaanada ay abaaruhu sida ba’an u

saameeyeen ee Gobolada Salal iyo Awdal ee galbeedka Somaliland.
Madaxweyne xigeenka iyo Wfdigiisa, ayaa maanta dib ugu soo noqday caasimada Hargeysa, wuxuuna  baaq qaylo dhaan ah u jeediyey beesha caalamka, Hay’addaha gargaarka  iyo dalalka deriska ah, isagoo ugu baaqay inay gacan ka gaystaan sidii wax loogu qaban lahaa kumanaan qoys oo ku waxyeeloobay Abaarahaa, kuwaas oo xaaladooda nololeed  xuntahay, isla markaana u baahan  gurmad deg-deg ah. 
Weftiga Madaxweyne ku xigeenka mudadii ay ku guda jireen socdaalkoodaas wax ay u kuur galeen baaxada ay leedahay Abaarta Afar sano jirsatay ee ku dhufatay xeebta galbeed ee Somaliland iyo Deegaano kale ee ka tirsan gobolada Awdal iyo Salal, Abaartaas oo waxyeelo balaadhan u geysatay dadka iyo xoolaha ku dhaqan deegaanadaas.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wefdigiisa ka hor intii aanay soo gaadhin maanta duhurkii Hargeysa, waxay habeenimadii xalay u hoydeen tuulada Garbadadar oo ka tirsan  Degmada “Lughaya”, Iyagoo subaxnimadii saaka kormeer ku oo maray xaalada nololeed ee dadka abaarahu dhibaateeyeen ee tuulada “Cali-Xaydh” ee Degmada Baki.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna Gudoomiyaha gudida Qaranka gurmadka Abaaraha iyo Waftigiisa,  waxa uu baaqiisa ku sheegay  in dalalka deriska la ah Somaliland iyo  Beesha Caalamka kaga  codsaday in Somaliland lagu teegeero dedaalka ay ugu jirto hakinta dhibaatada iyo waxyeeladda ay Abaarta Afar sano jirsatay ka geysatay Gobolada Galbeed ee Somaliland, isagoo sheegay  inay Indhahooda ku soo arkeen khasaaraha ka dhashay biyo la’aanta iyo xaalufka ay sababtay Abaartaasi oo sidoo kale ku abuurtay Nafaqo-daro Caruurta iyo dadka waayeelka ah,  sidoo kalena ay jirto Cunti yari baahsan oo ka jirta Deegaanadaas oo Abaartu sababtay.
Wefdiga la socday Madaxweyne xigeenka Somaliland, waxa ka mid ahaa   Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Dib-u dajinta Cabdirasaaq Cali Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele, Wasiir-ku xigeenka Waxbarashada Cali Xaamid Jibriil, Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha  Bariga Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, iyo Xildhibaan ka tirsan golayaasha Qaranka.
Dhinaca kale Baaqa qaylodhaanta ah ee Abaaraha, ayaa noqonaya kii labaad ee mudo laba todobaad ka yar ay xukuumadda Somaliland soo saarto, iyadoo  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, dhowaan baaq qaylodhaan ah oo uu beesha caalamka iyo Hay’addaha gargaarka kaga dalbaday in deg deg loogu gurmado ku dhowaad 20, 000 (labaatan kun) oo qoys oo xaaladoodu liidato, balse ilaa hada wax jawaab ah kamay bixin dhawaaqaa beesha caalamka iyo Hay’addaha gar-gaarka midna.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *