Bomka muqdishoMuqdisho(ANN)Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya Xukuumaddii raysal Waasre Farmaajo, isla markaana ahaa xiliggan xildhibaan  ka tirsan Baarlamaanka Maxamud Cabdi Ibrahin oo lagu naanaysi jiray Gadhweyne , ayaa lagu dilay maanta magaalada Muqdisho. Kadib markii

lala beegsaday  qarax Bobm oo lagu burburiyay Gaadhigiisa
Qaraxa sababay Dhimashada Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Xukuumaddii Farmaajo xildhibaan  Maxamuud Cabdi Ibraahim “Gadhweyne” ayaa maanta ka dhacay agagaarka Suuqii hore ee Bacadlaha Degmada Xamarweyne, iyadoo  gaadhigiisu xiliggaa marayay Hotel Al-khaliij, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa inta la ogyahay lix qof oo kale, kuwaas oo ahaa  dad rayid ah oo agagaarka ka dhowaa.
Booliska ayaa sheegay in gaadhiga xildhibaanka  lagu soo xidhay waxyaabaha qarxa, iyadoo Saraakiisha Booliska Soomaaliya sheegay  inaan la  ogeyn cidda ku lug leh falkaasi.
Balse Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxaa. Sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo la xidhiidha qaraxaa uu ku nafwaayay Xildhibaan Gadhweyne oo xilal baddan kasoo qabtay dawladda Somalia
Marxuum Maxamuud Ibraahin Gadhweyne,  ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii dalka soo maray mudadii uu xukunka hayay Madaxweyne Shariif, isagoo  mar noqday Wasiirkii Arrimaha Bani’aadaninimada, Wasiirkii Caafimaadka, ku simihii Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta sare,  ka hor intaanu ku geeriyoon weerarkaana, wuxuu waqtugan ahaa mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Somalia C/weli Maxamed Gaas, ayaa canbaareeyay falkaa, wuxuuna Tacsi u diray Qoyskii,  Ehelkii iyo Ummada Soomaaliyeed, wuuxna marxuumka Illaahay uga baryay inuu janadii fardawsa ka waraabiyo.
AraweeloSnews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *