Hargeysa(ANN)Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday astaamaha loo qoondeeyay in lagu galo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu kala garanayo musharixiinta tartamaya ee tirada baddan.Sidaana waxa

 

 

sheegay  Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari) oo maanta sharaxaad ka bixiyay sababta ay gudidoodu u soo jeediyeen in doorashada Golayaasha deegaanka Murashixiinta ku tartamaysa, calaamad loogu dhigo Nombero, halkii ay doorashooyinkii hore calaamado astaamo qaateen.
Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo warbixin ka jeediyay fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ,waxa uu si faahfaahsan u sharaxay sababta ay gudi ahaan u doorbideen,in murashixiinta ku loolamaya doorashada deegaanka (Local elections), ay calaamad u noqodaan nombaro lagu garto oo loo sameeyo, isagoo xusay in astaan loo sameeyo murashixiintu ay keenayso culays dhinacyo badan leh ,Waxaanu si gaar ah tusaale ugu soo qaatay in caasimada dalka ee Hargaysa ay u sharaxan yihiin Sagaalka Urur ee doorashadan ka qayb qaadanaya uu midkiiba soo sharaxayo Shan iyo Labaatan xubnood,  isla markaana wadartooda guud noqonayso, Laba boqol iyo Shan iyo Labaatan Xubnood , Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray inay adag tahay sidii hal warqad uu musharax kastaaba ugu heli lahaa astaan lagu garto oo loo sameeyo.
Eng.  Ciise Yuusuf Maxamed “Ciise Xamari” waxa uu sheegay in iyagoo ku xisaabtamaya sidii muwaadin kastaaba u bixin lahaa xaqiisa codbixineed, ay qabteen hal maalin oo doorasho tijaabo ah,isla markaana ay uga soo baxday in habka qudha ee ugu suurto galsan marka la eego wakhtiga ay noqotay in Murashixiinta ku loolamaya doorashada laga dhigo calaamadiisa Nombar.
Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Qaranku waxa uu sheegay inay ka filayaan qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland kharashkii ay kaga qeyb qaadan jireen hirgelinta doorashooyinka Somaliland oo dhan 75%, waxaanu xusay in xukuumadu ay bixisay oo ay ku wareejisay lacagtii 25%-ka ahayd ee loogu tallo-galay in dawladdu ay kaga qeyb qaadato kharashaadka lagu qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee aan wali la cayimin xiliga ay qabsoomayaan, balse gudoomiyuhu ma sheegin xiligga rasmiga  ah ee ay qabanayaan doorashooyinka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *