ARABIKHISida saxaafadu soo gudbisay todobaadkan, waxaa dalkeena Somaliland la  soo gaadhsiiyey Siidh qiimihiisa lagu sheegay  $2 Million oo Dollar,looguna talo galay

 

 

sida lagu sheegay in ay

Beeralayda Somaliland uga faaiidaysanayaan, waxa isweydiintu tahay ma caawimo nasteexa ah oo dadka iyo dalka anfacayaa,  mise waa hooyo ku go’ !.

Su’aasha is weydiinta lihi waxay tahay :

 

1-Siidhkani inuu caafimmad qabo,oo berrito dalagga ka soo go’aa aanu ciida &

caafimaadka dadkaba wax yeelo soo gaadhsiineyn, yaa damaanad qaaday.

 

2-Yaa xaqiijiyey in Siidhkani aanu ahayn mid Gene kiisa wax ka bedel lagu sameyey,

GMO seeds (Genetically Modified Foods).

 

 

Sida khubaro waaweyn oo caalamka daafihiisa ku kala nooli ay baadhis dheer  ku sameeyeen,waxay ka digeen khatarta ku duugan,lagana kulmi karo isticmaalka Genetically Modified Food (GMO) iyo cudurada ay u geysan karaan caafimaadka dadka.Xukuumada Somaliland masuuliyad culus baa ka saaran daryeelka dadkeeda iyo dhul beereedkaba,waana inay aad uga  taxadirtaa cuntooyinka lagu caawinayo,daawooyinka,midhaha la beeranayo iwm.

 

Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa war bixin muuqaal ah , oo aad u qoto dheer, isla markaana ku saabsan Siidhka wax ka bedelka lagu sameeyo & aafadiisa. Halkan Guji, ama Riix si aad u daawato warbixintaa

Eng. Mohamed Ali Muse.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *