bre1Hargeysa(Araweelo News Network) Ciidamada amaanka Somaliland ayaa baadhitaano ku bilaabay gaadiidka maraya wadooyinka caasimada Magaalada Hargeysa

 

xili aan hore looga baran, kuwaas oo galabta xili hore wadooyinka magaalada ka bilaabay baadhitaano la xidhiidha dhinaca amaanka.

Baadhitaanka gaadiidka ayaa saamayn ku yeesha saxmada jidadka cidhiidhka ah ee dayacan oo burbur badani ka muuqdo iyo gaadiidka oo inta badan wadooyinka magaalada gudeheedu xidhmaan, taas oo inta badan lala xidhiidhiyo wadooyinka burbursan ee cidhiidhka ah oo roobabka maalmihii u danbeeyay ka dayay Hargeysa ka buuxiyeen qashin iyo dhagxaan.

In kasta oo ay inta badan ciidamada amaanku talaabooyinkan oo kale iyo hawlgalo baadhitaan ka bilaabaan wadooyinka, kuwaas oo lagu feteshayo gaadiidka, balse inta badan baadhitaanada noocaa ah ayaa lala xidhiidhiyaa inay sabab u yihiin warar iyo macluumaad laga helo kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somalia.

Hawlgalka Baadhitaanka gaadiidka ee ciidamada Aamaanka Somaliland ka bilaabeen galabta xili hore oo aan looga baran, balse todobaadkii hore subaxnimo sidan oo kale baadhitaan lagu bilaabay gaadiidka, wuxuuna baadhitaanka gaadiidka ee wadooyinka Hargeysa galabta  kusoo beegmay, iyadoo xalay Magaalada Hargeysa lagu dilay Nin u dhashay Koonfurta Somalia, kaas oo cawayskii toogasho lagu dilay Xaafada Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa.

Warar qaar ayaa sheegaya in dilka Ninkaa loo qabtay dhawr qof, kuwaas oo lala xidhiidhiyay dilkiisa, balse ciidmada amaanku waxay sheegayaan inay socdaan baadhitaano la xidhiidha dilka Marxuumkaa oo lagu magcaabi jiray Maxamed Sheekh Axmed Cabdullaahi, isla markaana maydkiisa la geeyay xalay Cusbitaalka Hargeysa.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *