-
Published On: Mon, Feb 14th, 2011

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Gacansaydhay Hindise Beesha Caalamku Kaga Dalbatay In Dalkeeda Laga Dhiso Maxkamad Lagu Qaado Dacwadaha Budhcad-badeedda

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ganafka ku dhuftay qorshe Qaramada Midoobay ku doonaysay inay Somaliland kaga dhisto maxkamad gaar u ah qaadista dacwadaha maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ee caalamku qabqabto.

Sidaa waxa caddeeyey ka qaaday Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Dr. Xasan Axmed Aadan oo xafiiskiisa ugu warramayey shalay weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya iyo HCTV, isagoo dhinaca kalena shaaca ka qaaday inay oggolaadeen in Xabsiga Dhexe ee Hargeysa noqdo goob si ku-meel-gaadh ah loogu hayo maxaabiista budhcad-badeedda ee lagu xukumo dunida dacalladeeda.

Dr. Xasan Axmed Aadan oo ka soo laabtay shir caalami ah oo ay isaga iyo Wasiirka Caddaaladda Prof. Ismaaciil Muumin Aare dhowaan kaga qaybgaleen Jasiiradda Seychelles ee ku taal Badweynta Hindiya, waxa uu ku tilmaamay shirkaas inuu ahaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Somaliland.

“Madaxweynaha ayaa diiday qorshe Qaramada Midoobay noo soo gudbisay oo ay ku doonaysay in Somaliland lagaga hirgeliyo maxkamad caalami ah oo lagu qaado dacwadaha kooxaha budhcad-badeedka Soomaalida ee lagu hayo daafaha adduunka, isagoo Madaxweynuhu u cuskaday go’aankiisa khataraha arrintaas kaga iman kara Somaliland sida; xasillooni-darro iyo aargoosi ay bulshada reer Somaliland kala kulmaan haddii halkan [Somaliland] lagu maxkamadeeyo ehelahada budhcadda badaha oo dhammaantood ka soo jeeda dalka Soomaaliya ee deriska la ah Somaliland sidii horeba u dhacday, balse ilaa hadda UN-ku kama hadhin hindisahaas oo weli way sii hadal hayaan in maxkamad laga dhiso Somaliland, laakiin dawladda Somaliland way diiday qorshahaas,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud.

Xeer-ilaaliyaha Guud oo ugu horreyn sharraxaad ka bixinayey ujeeddada shirkaas, cidda soo qabanqaabisay, natiijada ka soo baxday iyo dhinacyada ka qaybgalay, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

““Shirkaas waxaannu kaga qaybgalney magaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxana martiqaadka rasmiga ah noo soo diray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jasiiradda Seychelles oo ka mid noqotay dalalka aqoonsaday in baasaboorka Somaliland lagu galo Itoobiya, Koonfur Afrika, Uganda, Kenya iyo kuwo kale.

Markii hore waannu diidnay inaannu shirka ka qaybgalno oo qolada UN-ta ee soo qabanqaabiyey ayaa noo soo diray qoraallo ay Somaliland ku sheegayeen gobol Soomaaliya ka tirsan, laakiin markii dambe dawladda Seychellees ayaa toos noo martiqaadday, markii aannu shirkii tagnayna waa nalaga raalligeliyey khaladkii hore ee aannu diidnay oo madaxweynuhuna nala qaatay.

Shirka aannu kaga qaybgalnay Jasiiradda Seychelles oo ahaa mid caalami ah oo runtii muhiimad weyn u lahaa qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, isla markaana noqday fursad muhiim ah oo aynu codkeena ka dhiiban karno, waxa ka qaybgalay wufuud ka kala socday waddamada caalamka iyo Qaramada Midoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd laba arrimod oo kala ah; la-dagaallanka budhcad-baddeedda iyo is-dhaafsiga maxaabiista xukuman ee ku jira jeelasa dalal kala duwan oo adduunka ah.

Mar uu ka hadlayey tirada maxaabiista falalka budhcad-badeednimo ugu xidhan xabsiyada Somaliland, waxa uu sheegay inay dhan yihiin 78 maxabuus oo dhammaantood u dhashay Soomaaliya, isagoo intaa intaa ku daray in ay sidoo kale jeelasha Seychelles ku booqdeen, isla markaana mid-mid u waraysteen 46 budhcad-badeed Soomaali ah oo ku xidhan jasiiraddaas, si ay beesha caalamka ugu qanciyaan in xeebaha iyo bulshada Somaliland-ba ka fayow yihiin mushkiladda budhcadda badaha ee dhibaatada weyn ku haya dunida.

Xeer-ilaaliye Xasan oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan in Xabsiga Dhexe ee Hargeysa yahay goobta loo qoondeeyey haynta maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ee lagu xukumo adduunka waxa uu yidhi; “Mabda’iyan waxa laysla qaatay in Somaliland noqoto dal saddexaad oo ka madaxbannaan waddanka budcad-baddeedda la qabtay u dhasheen iyo ka xukumay oo si ku-meel-gaadh ah loogu hayo maxaabiista xukuman oo ku kala jira jeelal ku kala yaal Holland, Jarmalka, Seychelles, Maraykanka, Kenya iyo meelo kale, iyadoo shuruudo adag ku xidhan yihiin qaabka lagu keenayo Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin in maxbuusku codsado inuu xukunkiisa ku dhammaysto Somaliland si uu ugu dhawaado ehelkiisa ku nool dalka Soomaliya ee deriska la ah Somaliland iyo in beesha caalamku halka [Somalialnd] ku diyaariso imkaaniyaadka looga baahan yahay kor-u-qaadista nolosha xabsiyada dalka…. Waad aragteen sariiraha iyo qalabka la keenay xabsiga cusub ee Hargeysa oo noqonaya halka hawshaas laga bilaabayo, sidoo kalena waxa qorshaha barnaamijkan ku jira dhismaha xabsi caalami ah oo laga hirgelin doono Gobolka Togdheer amma Saaxil.

Haseyeeshee, hirgelinta qorshahaasi waa mid ku xidhan marka goleyaasha xeer-dejinta ansixiyaan shuruucda iyo xeerarka barnaamijkaas oo aannu u gudbinay Golaha Wasiirada, si ay uga doodaan, una ansixiyaan, kadibna loogu gudbiyo Baarlamaanka oo leh awoodda oggolaanshaha mashruucaas oo runtii ah mid kor-u-qaadaya meeqaamka Somaliland iyo xidhiidhka adduuunyada.”

Geesta kale, Xeer-ilaaliyaha Guud oo la weydiiyey aragtidiisa ku wajahan baaqyada axsaabta mucaaradka ah ku dalbanayaan in maxkamad la horkeeno Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay ku eedeeyeen inuu ka qaybgalay shir ka dhan ah qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland oo dalka Ingiriiska loogu qabtay toddobaadkii hore kooxaha Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Qaddiyadda ictiraaf-raadiska Somaliland waa mid meel adag ku jirta, una baahan helista fursado ay codkeeda caalamka ugu gudbiso, shirka Ingiriiska ka dhacay iyo ka aannu kaga qaybgalnay Seychelles labaduba waxay ahaayeen fursado qaali ah oo Somaliland heshay, sida muuqatana waqti isku mid ah ayaa si siman hadalka loo siiyey dawladda TFG-da iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, markaa tallaabada wasiirkeennu qaaday waxay mudan tahay in lagu taageero, laakiin waa ayaan-darro in mucaaradku siyaasadeeyaan, waayo waa mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Somaliland labaatanka sannadood aqoonsiga ku raadinayaan.”

“Shirkaas waxa Somaliland ahaan noogu casuuntay dawladda Seychelles, waxana ujeeddadiisu ahayd sidii la isu dhaafsan lahaa maxaabiista xukuman ee jeelasha ku jira, haddii maxaabiistu jeclaadaan inay u dhowaadaan qaraabadooda. Arrintaasi waxay dhibaato ku haysaa dawladda Seychelles oo ah jasiirad yar.

Annaga Somaliland ahaan difaacayagu waa in wixii biyaheenna amma dhulkeenna ka dhaca aannu la wareegno oo xabsiga u taxaabno. Maxaabiista budhcad-badeedda waxa iminka dalkeenna ku xidhan 70 ilaa 80 Budhcadbadeed ah, iyagana [beesha caalamka] waxaannu ku nidhi haddii aad haysaan cid Somaliland u dhalatay badka soo dhiga, laakiin wixii kale shuruucda caalamka u yaal ayaannu u ixtiraamaynaa.

Ta labaad waxa weeye waddamada adduunka oo dhan ayey ka dhexaysaa iswayadaarsiga maxaabiistu, taasna Somaliland cid kasta way kala hadlaysaa iyadoo xor ah oo si siman ayaannu uga wadahadlaynaa.” Sidaana waxa yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo isaguna dhinaciisa shabakadda Hadhwanaagnews uga xog-warramay ujeeddada shirka ay kaga qaybgaleen Jasiiradda Seychelles iyo waxyaabaha layskula qaatay.

“Waxaannu ka mid nahay waddamada budhcad-badeeddu dhibaataysay oo waddadii ganacsiga adduunku marayey Bada Cas iyo Bada Cadmeed iyo Badwaynta Hindiya ayey wax noo soo marayeen oo wixii xagayaga ka tagayaa noo sii maraan, taasina way na aafaysay oo caymiskii ayey ku qaaliyeysay dadkayga oo qiimihii ayaa ku qaliyoobay, siyaasad ahaanna gobolkayaga iyo dhibaatada Soomaaliya aafaysay ayaa saamayn weyn nagu yeelatay, markaa waxaannu diyaar u nahay in aannu dagaalka budhcad-badeedda kala qaybgalno caalamka,” ayuu yidhi Prof. Aare oo ka hadlayey farriinta ay Somaliland ahaan u gudbiyeen ergooyinka shirkaas isugu yimi.

Shirka dawladda Sheychelles ku martiqaadday masuuliyiinta Somaliland ee lagaga hadlayey arrimaha budhcadbadeeda Soomaalida iyo dhibaatada ay gobolka iyo guud ahaan caalamka ku hayaan, waxa kaloo ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socday Maamul-goboleedka Puntland, dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya yo wufuud tiro badan oo caalami ah, waxana si mug leh loogu lafoguray halista budhcadda baduhu ku hayso gaadiidka isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Sources, Jamhuuriya

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>