Hargeysa(ANN)Shirweyne ballaadhan oo ku saabsan wax-ka-beddel iyo dib-u-habaynta Bilayska Somaliland iyo sidii loo samayn lahaa Ciidan Bilays oo tayo ayaa shalay ka furmay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Shirweynahaa oo ahaa  kii labaad
ee noociisa ah,  iyadoo kii hore muddo ku dhawaad sannad ka hor bishii April 2010 lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo salka ku hayey sidii loo dersi lahaa caqabadaha haysta ciidanka bilayska, gaar ahaan dhinacyada tacliinta, dhaqaalaha, qalabka, hab-dhaqankooda bulshada, ilaalinta xuquuqda aadamaha baahiyaha aasaasiga ah ee ciidan boolis ahi u baahan yahay, isla markaana waxa shirkan dib loogu eegi doonaa waxyaabaha ka hirgelay arrimihii shirweynihii hore la isla qaatay wax-ka-qabashooda.
Shirweynahan oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxa ka qaybgalaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taliska ciidanka booliska, saraakiil xukuumadda ka tirsan, wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan UNDP oo shirka maalgelisay iyo qaadhaanbixiyayaal kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo furitaankii shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga waramay istaraatiijiyadda dawladda ee ku wajahan dhismaha, tayeynta iyo shaqada ciidanka Booslika Somaliland muddada shanta sanno ah ee soo socota, isagoo tilmaamay in wax-ka-beddel iyo dib-u-habayn ballaadhani saldhig u noqon doonaan qorshahaasi.
Wasiir Gabboose oo iftiiminayey natiijada uu ka filayo shirkan waxa uu yidhi, “Waxaynu rajaynaynaa in natiijada shirkani noqoto aasaaska istaraatijad wakhti dheer oo ku saabsan haybanta iyo horumarinta booliska Somaliland, taas oo ku salaysan qiimaynta ammaanka qaranka.
Waa shirkan uu ka soo baxo dadaalkii hore mid ka duwan, iyadoo dadaalkii hore waxqabatay oo maskaxda, mooralka, aqoonta, xuquuda aadamaha iyo waajibaadka ayaa la barayey intii hore askariga, laakiin annagu hadda waxaannu aaminsanahay in haddii aan askaringa la qalabayn oo aan xaruntiisu noqon meel shaqaynaysa oo aan madaxdiisu aqoontii ku filnayd lahayn oo aan ilaa askariga xuquuda lagu leeyahay iyo xaqa uu leeyahay loo kala caddayn, oo aan mushaharka askarigu noqon mid qoyskiisa wax u tari kara, waxaanna rajaynayaa in shirkani ku dhammaado mid dhisa bilays shaqadiisu u dhan tahay.”
Sidoo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Kabaal) ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey, waxa faahfaahin kaga bixiyey shaqada ciidanka Booliska Somaliland iyo siyaasadda horumarineed ee ay u dejiyeen.
Taliye Kabaal waxa uu ammaan u jeediyey hay’adda UNDP oo uu sheegay inay ka caawiso waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo qallabaynta xafiisyada iyo arrimo kale oo ciidanku u baahan yahay, “UNDP way mahadsan tahay tababarka Mandheera way fuliyeen hadda waxa nooga soo baxay 1400 askari oo dufcadii ugu dambaysay hadda ku jirto, iminka waxa dhammaaday kulliyadii Booliska oo la qalabeeyey, waxaanna lagu tababari doonaa saraakiisha ciidanka Booliska. Waxaannu aad ugu mahadnaqaynaa qolada UNDP oo si weyn noo caawisa.”
Taliyaha oo ka hadlayey qorshaha u yaala shanta sanno ee soo socda iyo tayada booliska ee shaqadiisa, waxa uu yidhi, “Shanta sanno ee soo scoda qorshaha u yaalaa waxa weeye in la gaadhsiiyo heerarka caalamiga ah oo ah in ay wax wada qori karaan, inay noqdaan kuwa heer caalami ah oo wax waliba u dhammaystiran yihiin, waanay fahmeen iyaga iyo shacabkuba nabadda.
Askariga hortagaagan shirkadaha gaarka loo leeyahay waxay ku tusaysaa in xidhiidhka noo dhexeeya annaga iyo shacabku inuu yahay mid wanaagsan.
Hoggaaminta boolisku waa mid cad oo waxbadan, shanta sanno ee soo socda waxa qorshaha noogu jira in aannu soo saarno boolis tayo leh oo tiro yar, waxaannnuna bilownay tirakoobkii.”
Intaa kadib, Agaasimaha Waaxda Nabadgaliyada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mr. Maxamed Cali ayaa shirka ka jeediyey warbixin la xidhiidha ciidammada booliska , isagoo sheegay in tirada guud ee ciidanka Boolisku dhantahay 6,816 askari, isla markaana saraakiisha maalintii Taliyaha Booliska warrka iyo xogta siinaysaa yihiin 33 sarkaal, sidaa daraadeedna aanay suurtogal ahayn in Taliyuhu wada dhageysto dhammaantood oo uu xafido dhammaan qoraalada warbixinahooda, “Hadda waxa noogu jira qorshaha cusub ee shanta sannadood ee soo socota in 33 kii sarkaal ee Taliyaha maalintii warbixinta siinaysay aanu ka dhigno 5 sarkaal oo kaliya.”
Waxa kale oo Agaasimuhu faah faahin dheer ka bixiyey kharashaadka iyo mushaharka ay ciidammada Boolisku qaataan gobol kasta, isagoo xusay in mushaharka boolisku qaato sannadkii dhan tahay lacag $6,543,306.
“Dhaqaalaha Booliska 5 sanno ee soo socota, waxaannu ugu talogalay lacag dhan 120 Million oo doollarka Maraynkana ah,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Cali.
Dhinaca kale Ciidanka Bilayska Somaliland oo akhlaaqdiisa iyo tayadiisu aad u hoosayso ayaa la filayaa inay ka qaybgalayaashu ku qaadaa dhigaan waxyaabaha laga bedeli karo iyo sida wax looga qaban karo xidhiidhka bulshada iyo Bilayska oo ah mid aad u hooseeya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *