-
Published On: Tue, Feb 15th, 2011

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Gollaha Wakiiladda Hor Geeyay Miisaaniyaddii Ugu Badnayd Kuna Baaqay In Ganacsatada Laga Daayo Baryada Oo Ay Bixiyaan Cashuurta Ku Waajibtay

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo  shalay golaha Wakiilada hor geeyay odoroska Miisaaniyada 2011-ka ayaa ku baaqay, in ganacsatada laga daayo baryada lacagaha lagu weydiisanayo, tilmaamayna in cashuurta ku waajibtay ay si toos ah u bixiyaan, taas

 

oo xukuumaddu ay wax kaga qabanayso jidadka iyo Biriijyadda dalka.
Wasiirka oo fadhigaa ka sheegay inay gollaha hor keenee miisaaniyaddii ugu badnayd taariikhda ee ay soo gudbiso wasaaradda maaliyaddu, taas oo 70%  ka baddan miisaaniyaddi hore, wuxuuna canaan usoo jeediyay Eng. Xaashi   Badhasaabada dalka oo uu ku tilmaamay kuwo aan garanayn xilka loo magcaabay oo ay shaqadoodii iyo waajibkii saaraa kaga inay is hor taagaan  taagan xarunta Wasaaradda Arrimaha Guddaha.

Wasiirka Maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo fadhigii shalay ee golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Guddoomiyaha golaha Wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), faafaahina ka bixiyay odoroska Miisaaniyada 2011-ka, oo dhan Qadarka Miisaaniyada 2011-ka ayaa dhan 527,720,451,857, Bilyan oo ka badan Miisaaniyadii hore ee 2010-kii ka badan 70%, marka aan lagu darin Miisaaniyda Dekeda Berbera  oo dhan 37,624,207,966 iyo Wakaalada Biyaha ee Hargeysa oo iyaduna dhan Miisaaniyadeedu 17,912,412,874., isla markaana ka badan Miisaaniyadii hore ee 2010-kii 70% ayaa sheegay, in muddadii lixda bilood ahayd ee ay xilka hayeen ay kor u soo qaadeen dakhliga dalka 70%, isagoo dhinaca kalena sheegay, in mashruuca Tog-wajaale ka beeri doonaan cuntooyin kala duwan.

Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi oo uu wehelinayay Wasiir ku xigeenka Maaliyada Warsame Siciid Cabdi, waxa uu ku bilaabay hadalkiisii “Miisaaniyada waxaynu u kala qaadi doona laba, waxaad la socotaan in aan in muddo ah xanuusanayey dibada-na ku maqnaa, Wasiir ku xigeenka Maaliyada Warsame ayaa shaqada aad ugu dhex jiray anigu si guud baan uga warami doonaa, haddii aan ku bilaabo muddada aanu joognay ee aanu xilka haynay waxay ahayd shan bilood oo sanadkii hore ah iyo bishii January iyo intan February ayaa dheer, Miisaaniyada kolbaa muddada aanu haynay sidaasay u gaaban tahay oo ay mudan tahay in tix galinteeda la siiyo, xaaladii dhaqaale ee xukuumaddii hore aanu ka dhaxalnaya mid aad u adag bay ahayd, waxaanu dhaxalnay lacaga-yaw la yidhi waa dayn, oo laakiin dayn aan ahayne ahaa Mushaharooyinkii shaqaalaha oo aan afar bilood April ilaa July la bixin, kuwii ciidamada oo bishii July la bixin Raashinkii ciidamda iyo Cusbitaalada iyo Jeelasha oo isna muddo la bixin, waxyaabo is gaadhay oo sidaas ah ayay ahayd wixii daynta lagu magacaabay waa tii guddida loo saaray, guddi ka kooban Hanti-dhawrka, guddi golaha ah iyo dhar nin oo Wasaaradayada ka socday, kolkay kaga soo qabteen 2002 ilaa 2010-kii July wax ku baaqday dawlada ma jirin oo dayn ah oo lagu yeeshay, waxay soo saareen inay jirtay 131 Bilayn oo siyaado ah oo dheeriya, kolkaa dayni ma iman karto, waxaanu dabeetana noqotay siddii aanu u bixin lahayn shaqaalaha, ciidamada iyo Raashinada, dhibaatadii ugu horaysay ee aanu kala kulanay taasay ahayd Ilaahay mahadii muddo saddex bilood ah waxaanu bixinay Mushaharooyinkii baanu iska dhamays tirnay, dakhligii-na waxaanu kordhinay muddadaasi dhawrka bilood ah 32% ayaanu kordhinay dakhligii dawlada, waxaanu dabadeena ku dhaqaaqnay siddii aanu dakhli ururis dhab ah u samayn lahayn, aniguna waligay waan qabay inuu dalku inagu filan yahay in aynu baryada ka bixi karno wixii waaweyn kolka laga reebo sida dhismaha Dekeda iyo dariiqyada waaweyn kolka laga reebo meelaha kale-na in aynu ka adkaan karno, waxay Miisaaniyadani tii hore dheer tahay 70%, markaa waxaad arkaysa muddadaa intaanu ku kordhinay oo waliba aanaan nidaamkeedkii aad u sii gudo galin ee imikuun aan bilaabayno, waxaad arkaysa in aan wax ka badan soo saari karno, waxaanu bilawnay inaan diwaan galino Meheradaha oo dhan, Hargeysa oo kale oo shan waaxood u qaybsan, waxay u sii kala qayb san yihiin 22 Xafadood, Xaafad walba waxaanu ka furnay Xafiis, Xasfiiskaasi wuxuu ka shaqaynaya Tirikoobka iyo ururinta dakhliga Xaafadahaas, waxa noo suur tawaday inaanu diiwaan galino Meheradaha Hargeysa,  ama Maroodijeex intiisa badan oo magaalada Hargeysa ah, Barbera, Burco, Ceerigaabo, Gabiley, Boorama, Tog-wajaale in aanu diiwaangalino meheradahaa, Meheradaasi haday Tukaan tahay, haday Makhaayad tahay iyo haddii uu Guri kiro ah yahay, kolkaa ururskeedii iyo siddii loo habayn lahaa in aanu (Server) galino intaasu kolkay Computer-ka noo wada gasho oo dabadeetana adoo Hargeysa jooga aad ogaan karto Cashuurtu halkay ku baaqatay iyo halka aad ka helyaso wax weyn maaha waxaynu ku jirnaa Electronic, arrimuhu wey dhib yar yihiin Jaamacadihii bay ka soo baxayaan dhalinyaradii IT-ga taqaanay iyo kuwii Business-ka iyo Management-ga, ilaa sodameeyo nimankaa dhalinyarta ah ayaa mutadawacnimo noola shaqaynayay Registration-ka arrimahaa aan idinka sheekaynayey, kolkaa waxaanu imika isleenahay imika uun baad bilaabaysaan dakhli ururskii oo ka heer sareeya kii aanu lixdii bilood ee hore aanu soo marnay, kolka la yidhaahdo dhaqaalaha kobciskiisa waxa inoo degin wali Wasaaraddo dhawr ah, Tijaarta waaweyn waxa laga qaadaa aad bay u yar yihiin kolaad eegto Wasaaraddihii wax soo saarka lahaa, sida Kalluumaysiga, Macdanta iyo Biyaha, Isgaadhsiinta, Ganacsiga, kharashkoodaa ka badan, Miisaaniyadihii hore-na waad ku soo aragteen dakhliga ay soo saaraan, waxaanu filaynaa inay Wasaaraddahaasi wax soo saarkoodii imika uun ka bilaabmo oo dakhli wanaagsan aynu ka urursano, Kalluunka hadaan soo qaato waxa weeyaan Markab dhan oo buuxa oo Jaraaf ah ayaa $500 laga qaadi jiray 2006-kii,  2007-kiina shan boqol baa lagu kordhiyay oo 1000 baa laga dhigay waana Jaraaf kuwa ugu qaalisan buu ka mid yahay, doonyo badanbaa dalkeena soo gala oo bilaash ku gurta, kolkaa Kalluunku waa meesha aynu wax ka soo saari karno ee dakhli badani inaga soo gali karo, isgaadhsiinta sidoo kale, waxaanu imika wadnaa inaanu isku xidhno Company-ga oo Telefoonada dibada iyo ka gudaha aanu kaantarooli karno oo iibsano qabalkii arintaa inoo sahli lahaa tiina waa lagu jiraa, kolkaa waxa inoo hadhaya inaynu dhaqaalihii kor u sii qaadno oo laf dhabartii, waxaan  filayaa inay ka badanayso tan nidaamka aynu ku helayno, Get way baynu u baha nahay Application-kiisii imikaa la wadaa Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta waanu iska arganay meel wanaagsan bay marinayaan khabiiro arrimahan kala taliyana wey joogaan si wanaagsan bay u soctaa,.

Sidoo kale Wasiirka Kalluumaysiga ee Cusub waanu kulanay isagana waxaanu damacsanahay sidii aanu u kordhin lahayn dakhligaa Kalluunka ee bilaashka lagu guranayo aynu uga faa’idaysan lahayn. Waxa kale iyana dihin Xawaaladaha oo lacagayawga la soo diro in aynu iyagana wax ku yeelano oo aan ka soo saarno dakhli wanaagsan, isgaadhsiinta dakhliga aanu ku leenahay marka la isku xidho 5 Milayn ilaa 8 Milayn ayaanu filaynaa inaanu ka soo saarno sannadkii, waxa kale oo iyadana ku talo jirnaa Xawaaladdaha iyo Tijaarta waaweyn inaanu cashuuro wanaagsan ka qaadno, cashuuro badan oo aanan qaadi jirin imika waanu qaadnay, waxa noo hadhaa waa cashuurtii iibka (Seales Tex-kii), imika  diwaangalintii waa la soo dhamaynaya oo wey noo dhaw dhawdahay wixii shaqaale ah ama ciidan ha ahaadeen nin walba waxa lagu leeyahay cashuur ama Public ha ahaadeene cashuur badan baa lagu leeyahay, cashuurtii iibkaa lagu leeyahay, cashuurtii shaqaalaha lagu leeyahay in aanu wixii si wanaagsan aanu u ururino, waxaanu samaynay oo aanu hoos u dhignay Tacrifadihii  si ay  tuugada iyo la baxsigu u yaraato oo aan qofku dareemin. Cashuurta Macaash-macaashka kirada Guryaha waxa laga qaadi jiray 22%, waxaanu ka dhignay 10 Percent, cashuurta shaqaalaha 12%   waxaanu ka ku soo celinay  5% wareejinta cashuurta hantida ma guurtada ah waxa uu ahaa 2% baanu ka dhignay 3% , arintaa waxaanu u samaynay si aanu dadku u dareemin cashuurta laga qaado, Wasaarad Waxbarashada 43% ayaanu u kordhinay, Wasaarada Caafimaadka 86% baanu u kordhinay, Wasaarada Beeraha 83%  baanu u kordhinay, Wasaaradda Macdanta iyo biyaha 17% kiiba, halkaas wey yartahay, waxayna kalifaysaa, 5 Milyan qorshaha shanta sannadood.

Tog-wajaale, waxaanu doonaynaa in la beero oo cuntooyin aanu ka soo saarno, haddaanu lix bilood kordhinay dakhliga dalka 70%, waxaanu filaynaa marka aanu sanad joogno in aanu intaa in ka  badan kordhin doono, badhasaabada waxaad moodaa inay marti inoo yihiin, ninka Badhasabka ahi xafiiska Daakhliga ayuun buu tagayaa, inuu Wasaaraddaha soo wada maro oo uu Musuq-maasuqa ka hadlo, xafiiskaa Badhasaabku hal kuu taagan yahay muu mudan iskuma haystee in xilkaasi saaran yahay, bal hoos ha loogu sheego, tijaarta baryada waa in aynu ka dayno, haddii la yidhaahdo dariiqii Dilaa la samaynayaa lacag keena, Biriij baa la samaynayaa lacag keena, iyagana waxaan leeyahay anaga baryadu nooma fiicnee, cashuurta uun si toosa noo siiya, halkaa aynu ku kala faataxaysano.” Ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>