Lawyacado(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa maanta gaashaanka ku dhufatay inay dalkeeda soo galaan laba wefdi oo ka yimi dhinaca Dalka Djibouti ee ay xadka wadaagaan Somaliland. kadib markii sirdoonka Somaliland ka war helay inay  Labadaa wefdi  oo saraakiil iyo Masuuliyiin  sare

 

oo ka tirsan xukuumadda Djibouti ee Ismaaciil Cumar Geele si qarsoodi ah ugu soo talaabeen xadka Saomaliland ee Lughaya, iyadoo aanay xukuumadda Madaxweye Siilaanyo waxba kala socon.
Sida ay shebakada wararka ee Araweelonews u xaqiiyeen dad goob joog ah oo ku sugan deegaankaa, wefdigaa labada kooxdood ahaa ee doonayay inay si qarsoodi ah uga soo gudbaan xadka Somaliland, ayaa xukuumada Somaliland ka war heshay, waxayna masuuliyiinta gobolka Salal ku amreen inaan loo agolaan inay soo gudbaan, maadaama aan la ogayn ujeedada socdaalkooda oo aanu ahayn mid sharci ah.
Badhasaabka Salal ayaa koox ka mid ah wefdigaa oo ay ku jiraan saraakiil madaxtooyada Djibouti ah uu ka mid Taliyaha Ilaalada madaxtooyada Djibouti,  Maxamed Jaamac, Taliyaha sirdoonka Djibouti iyo xubno wasiiro ah oo aan tiradooda la cayimin ku casuumay Saylac, kuwaas oo  qorshoodu ahaa inay soo gaadhaan magaalada taariikhiga ah ee Saylac oo ku taal dhinaca xeebta galbeedaka ee xuduuda ay Somaliland iyo Djibouti  wadaagaan, iyadoo Badhasaabka gobolka Salal ugu sameeyay halkaa casuumad balaadhan oo loo qorsheeyay inay ka wada qadeeyaan. Laakiin sida ay wararka dadka deegaanka laga helay sheegayaan Badhsaabka ayaan waxba kala socodsiin socdaalka  xukuumadda Somaliland wefdigaa iyo ujeedadooda, taas oo  markii xukuumadda Sare ee Somaliland ka war heshay u sheegtay inaan lasoo deyn wefdigaa, kuwaas oo ka hor intii aanay kasoo talaabin xadka dhinaca dalkooda lagu war geliyay inay dib u noqdaan
Iyadoo ay wararka dadka deegaanka  laga helay sheegeen in casuumadii loo qorsheeyay iyo xoolihii loogu qalay Saylac wefdiga Djibouti la siiyay masaakiinta oo ay ku laabteen dalkooda.
Laakiin waxa iyana lagu war helay koox kale oo isla maanta kasoo talaabay xadka dhinaca Djibouti, kuwaas oo iyaga booqashadoodu la xidhiidhay mashaariic biyo gelin ah oo ay halkaa ay ka hirgeliyeenHay’adda UNICEF ee qaramada midoobay iyo hay’ad kale oo Talyaani ah oo deegaanka Lawyacado ka hir geliyay mashriic balaadhan oo dhinaca Biyaha ah oo ay xukuumadda Somaliland u qorshaysay, kuwaas oo hada mid dhamaaday oo geba gebayo yahay.
Kooxda wefdiga dhinaca Djibouti ka yimi oo warar qaar sheegayaan inay mashaariicdaa doonayeen inay sawiro ka qaataan,  waxa ka mid ah ahaa sida ay dadka magaalada  Lawyacado sheegeen Nin wasiir ah oo ka tirsan xukuumadda Djibouti, balse markii gaadhi ay wateen soo istaagay xafiiska laanta socdaalka ee Somaliland ayay la kulmeen amarka xukuumadda Somaliland ku joojisay wefdiga Badhasaabku casuumay ee aan weli iyagu soo gaadhin xadka Somaliland, waxayna kooxdanina ka noqotay halkaa iyagoo aan soo gelin weli dalka oo aan fulin qorshihii ay u socdeen
Dadka deegaanku waxay sheegeen inay labadaa wefdi ku laabteen dalkooda, basle waxay xuseen inay dhaqdhaaaqyo aan qorshayaashooda si cad loo ogayn ay xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ee Dalka Jibouti ka waday deegaanada mudooyinkii u danbeeyay, iyadoo xidhiidh fiicani ka dhexeeyo masuuliyiinta Somaliland eek u sugan halkaa, gaar ahaan Badhsaabka Salal oo aan wax baddan la socod siin xukumadda uu wakiilka uga yahay deegaankaa, balse wasiirka arrimaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur),  ayaa masuuliyiinta gobolka ku amray inaanay ogolaan booqashada labadaa wefdi oo ay ka saaraan dalka. kadibna sidaa ugu laabteen dalkooda.
Dhacdan oo aan si cad loo ogayn waxa ay salka ku hayso, ayaa la filayaa inay  saamayn ku yeelato xidhiidhka labada dal  ee Somaliland iyo Djibouti oo mudooyinkii danbe fiicnaa, balse is maandhaafyo mararka qaar dhinaca siyaasada ah oo u dhexeeyay labada dal, kuwaas oo aan debeda usoo baxayn laakiin uu jiray dareen hoose.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *