Hargeysa(ANN)Qareennada difaacaya Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur madaw), ayaa go’aansaday inay joojiyaan difaacida eedaynaha, kadib markii ay sheegeen in xukuumaddu farogelin ku samaysay Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo gacanta ku haysay kiiska

 

Boqor Buurmadaw.
Dhegaysiga eedaha loo haysto Boqor Buurmadaw oo muddo ku dhaw sagaashan maalmood ku jiray xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo markii labaad maxkamaddu maanta u balansanayd, ayaa dhegaysiga dacwadaasi burburay, kadib markii xeer-ilaalintu ku fashilantay inay fuliso go’aan garsooraha dacwada qaadayey fadhigii hore ka soo saaray oo ahaa in xeer-ilaalintu soo beddesho eeddaha ay u cuskatay dacwada Boqor Buurmadaw ka hor inta aan la gaadhin fadhiga labaad ee dacwadaas oo Khamiista maanta loo ballansanaa, iyadoo garsooruhu go’aankisaas ku sheegay in haddii xeer-ilaalintu mudadaas ku soo bedeli weydo eedahooga ay maxkamaddu qaraar ka soo saari doonto.
Qodobada xeer Ilaalintu u cuskatay eeddaha Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw fadhigii hore ee dacwada oo la dhegaystay  24 April,ayaa ahaa   212XQG iyo 2i5XQG,  kuwaas  oo qareenada difaacayay ku tilmaameen kuwo aan waafaqsayn  eedaha. Sidaa awgeed ay maxkamaddu laasho dacwada, ama haddii ay hayaan qodobo kale iyo eeddo kale maxkamadda usoo gudbiyaan, waxayna taasi sababtay inuu Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa C/rashiid Duraan oo kiiskaa Garsoore ka ahaa kasoo saaray qaraar lagu laalay eedahaa, kadibna ku war geliyay xeer Ilaalinta inay maxkamadda hor keenaan eeddo waafaqsan sharciga iyo qaanuunka dalka, basle dacwad oogayaasha ka socday xeer Ilaalinta ayaa u hogaansami waayay qaraarka maxkamadda, iyagoo fadhigii labaad ee maanta dib usoo celiyay eedihii maxkamaddu laashay oo aan waxba laga bedelin.

Garyaqaan Maxamed-siciid oo ka mid ah saddex qareen oo difaacayey Boqor Cismaan Buurmadaw, ayaa shabakadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyey inay ka baxeen gebi ahaanba dacwadaa, kadib markii sida uu caddeeyey Xeer-ilaalintu fulin wayday go’aankii maxkmadda ee ahaa inay keenaan eedo waafaqsan sharciga oo la xidhiidha kiiska Boqor Buur-madaw, ama Maxkamaddu xoriyadiisa u celiso,  Waxaannu qareenku tilmaamay in aanay xeer-ilaalintu u hoggaansamin go’anka maxkamadda, isla markaana dib u soo celiyeen eedahoodii hore ee maxkamaddu laashay, taasina ay caqabad ku noqotay dhegaysiga kiiskaa.
Sidoo kale waxa Qareen Maxamed-siciid sheegay in markii ay arkeen in xeer-ilaalintu la timi eedahoodii hore ay garsoorihii maxkamadda ku wargeliyeen in aanay xeer-ilaalintu waxba ka soo beddelin eedihii lagu amray inay soo beddelaan oo aanay u hogaansamin qaraarka maxkamadda, sidaa darteedna maxkamaddu qaraar  ka soo saarto arrintan, balse waxa garyaqaan Maxamed Siciid uu tilmaamay in maxkamaddu ku adkaysatay in eedahaas la dhegaysto, iyadoo u muuqatay inay la safatay xeer-iaalinta, sidaa darteedna kadib markii ay la tashadeen eedaysanaha ay difaacayaan ay go’aansadeen inay gabi ahaanba joojiyaan difaacida Boqor Buurmadaw, maadaama ay meesha ka baxday awoodii maxkamaddu oo ay xeer-ilaalinta iyo xukuumadda oo is huani la wareegeen.
Boqor Buurmadaw, ayaa dhinaciisa sheegay markii qareennadiisu ka baxeen kiiska inuu maxkamadda ku soo laaban doono marka uu arko garsoor caddaalad ah oo aan wax farogelin ah lagu samaynayn. 
Tallaabadda qareennadu ku qaadaceen difaacida kiiska Boqor Cismaan Buur-madaw, ayaa daaha ka fayday inay xukuumaddu farogelin qaawan ku hayso dacwadiisa,  isla markaana waxay talaabadani meesha ka saaraysaa in garsoorka Somaliland yahay mid madaxbannaan sida ay ku faanto xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo marar baddan ku cel celisa inay dib u habayn ku sameeyeen garsoorka dalka, isla markaana aanay xukuumad ahaan wax faragelin ah ku samaynayn dacwadaha ka socda Maxkamaddaha dalka.  sidoo dhega adayga Xeer Ilaalinta ee qaraarka Maxkamadda ayaa noqonaya mid si weyn u dhaawacaya kalsoonida shacabka ee dhinaca garsooorka  iyo sharafta iyo karaamada maxkamadda.
Tan iyo Markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud loo taxaabay xabsiga  badhtamihii  bishii May, waxa soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha  caalami ah ee xuuquqda Aadamada ,  waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland  oo laba maalmood ka hor kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw.
Sidoo kale Todobaadkan gudihiisa waxa xabsiga  dhexe eek u xidhanyahay ku booqday Boqor Cismaan  saraakiil ka socotay Hay’adda caalamiga ah ee  Human Rights Watch, iyadoo ay horena Dublamaasiyiin shisheeye, Madax-dhaqameedka Somaliland iyo qaybaha kale ee Bulshadu baaqyo lagu canabaaraynayo xadhigiisa kasoo saareen,  balse dhawaa qyadaa  ayaa noqday kuwo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaysatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *