Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraall Duur ayaa maanta si deg-deg ah ugu baxay dalka Djibouti. Socdaalka wasiirka oo aan ujeedadiisa laga war qabin ayaa lala xidhiidhiyay  murug dublamaasiyadeed oo ka dhashay . kadib markii xukuumadda

 

Somaliland shalay dalkeeda ka celisay wefdi ka socday xukuumadda Djibouti oo doonayay inay kasoo talaabaan xadka ay Somaliland la wadaagto dalkaa, kuwaas oo aan booqashadooda iyo ujeedadooda  lala socodsiin xukuumadda Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ayaan ka hadlin ujeedada wefdigaa oo laba kooxood ahayd loogu diiday inay usoo talaabaan Somaliland, isla markaana lama oga in marka hore ay ka war qabeen iyo in kale. Sidoo kale xukuumadda Djibouti ayaan wax war ah kasoo saarin ilaa hada wefdigooda xukuumadda Somaliland celisay iyo waxa qorshayaasha booqashadoodu la xidhiidheen. 
Hase yeeshee socdaalka maanta sida kediska ah ugu baxay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu sifeeyay calaamad iftiiminay inuu jiro murug dhinaca dublamaasiyada ah oo labada dawladood soo kala dhexgalay, balse lama oga inuu socdaalka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ugu baxay dalka Djibouti uu yahay mid la doonayo in arrintaa lagu xaliyo, sidoo kale  waxa aan laga warqabin inuu ku baxay dalab ka yimi dhinaca xukuumadda Djibouti  iyo inuu yahay go’aan ay ka qaadatay xukuumadda somaliland oo ku doonayso in lagu xaliyo muruga ka dhashay wefdiga xukuumadda Djibouti ee loo diiday inay kasoo talaabaan xadka Lawyacado ee xeebta galbeedka Somaliland oo ay labada dal xad ka wadaagaan.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ee safarka ugu baxay Djibouti, waxa uu lahaa  go’aanka weftiga  Djibouti lagu celiyay, iyadoo wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayeen  in aanay  Dawladda Djibouti waxba kala socodsiin Somaliland weftiga dalkeeda kusoo jeeday, balse Badhasaabka Salal oo keliya uu la socday arrintaa oo labada wefdi midkood oo ku socday Salaylac uu casuumad u diyaariyay. Laakiin aanu waxba kala socodsiin xukuumadda sare ee Somaliland arrintaa. Sidaa darteed  Booqashada Wasiirka arrimaha gudaha ee Djibouti,  haddii aanay xukuumadda Somalialnd  waxba kala socon wefdiga kusoo jeeday waxay booqashada Wasiirka ee deg-dega ahi noqonay  talaabo dublamaasi ahaan  sax ah oo loo baahnaa.
Laakiin haddii aan wefdiga lala socodsiin marka hore oo ay ahaayeen kuwo aan wax ogolaanshiiyo ah ka haysan Somaliland, sidaana lagu celiyay, waxay  talaabada wasiir Duur u muuqanay mid meel khaldan oo sharafdhac ku ah dublamaasiyada iyo qaranimada Somalialnd, waxayna waajib ku ahayd inay xukuumadda Djibouti soo dirto wefdi iyadoo garwaaqsanay khaladka marka hore dhacay inay iyagu lahaayeen,  balse waxay arrimahaasi cadaan doonaan marka ay ka hadlaaan labada dawladood oo ay soo baxayaan meelaha wax ka murgadeen iyo dhinaca khaladku ka yimi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
Araweelonews Mobile

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *