Hargeysa(ANN) Xukuumada Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay qorsheheeda ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa maceeshada sii kordhaysay maalmihii u danbeeyay iyo qiimaha sarifka lacagta dollarka ee hoos u socday, taas oo keentay cabashooyin

dhinaca nolol maalmeedka iyo nolosha oo qaali noqotay, isla markaana ay ka dhasheen sixir barar iyo  dhaqaale xumo saamaysay inta badan Bulshada Somaliland.
Hase yeeshee Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Warsame Siciid Cabdi iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe Cabdi Dirir Cabdi, ayaa ka hadlay xaalada qiimaha sarifka Dollarka ee  dhulka ku sii hoobanaya iyo qiimaha maceeshada daruuriga ah ee kor u socda, waxayna labada masuul oo maanta saxaafada kula hadlayay Xarunta Baanka dhexe ee Somaliland sharaxaad ka bixiyeen talaabooyinka uga qorshaysayn xukuumada arrimahaa iyo qorshohooda. 

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, wuxuu isagoo ka hadlaya  arrintaa yidhi,  “Waxaanu ka hadlaynay qiimaha sarifka dollarka ee hoos u dhacay iyo maceeshadan kor u sii kacday sicirkii sarifka dollarku maanta iyo shalay xataa wuu kala duwan yahay oo maanta waxaad moodaa inuu kor u sii yara kacay. Taasina waxay muujinaysaa inay jirto awood ah in Baanka iyo wasaaradda Maaliyaduba ay bedeli karaan sarifka dollarka. Waxaanu doonaynaa in sicirka maceeshada hoos u dhigno deg degna arrintaas waxbaanu uga qaban doonaa xukuumad ahaan oo way noo qorshaysan tahay.”
Mar uu ka hadlayay gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland sababta qiimaha dollarka hoos ugu sii socdo wuxuu yidhi, “Sababaha uu Dollarku  hoos ugu dhacay cidna kama qarsoona, wakhtiganina  waa xiligii xajka ee xoolaha loo iib geyn jiray Sucuudiga, xiligan oo kalena mar walba hoos ayuu u dhacaa dollarku,  waayo waxaynu xoolaha ku iibsanaa waa Dollar. Arrinta kale ee sababtay inuu hoos u dhaco waxa weeye Lacagtii Somaliland oo noqotay lacag adag oo xoolaha imika xataa lagaga soo iibsado gudaha Itoobiya illaa Iimay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanku.
Guddoomiyaha Baanku wuxuu sheegay inay Baanka iyo Wasaaradda maaliyadu ay qorshaynayaan sidii ay go’aan uga soo saari lahaayeen jaan goynta qiime go’an oo  sarifka dollarka ah, si aanu suuqu u noqon fawdo.
 
Sidoo kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi, oo ka hadlay qorshaha xukuumad ahaan  ay doonayaan inay ku dhaqaaqaan waqtigan  maceeshadu  sida weyn u korodhay iyadoo lacagta dolarkana hoos u dhac weyni ku yimi, waxa  uu  yidhi,  “Maantana waan ka hadalnay Anaga (Wasaaradda Maaliyadda), Wasaarada Ganacsiga iyo Baankaba waxa noo socda shirar si aanu u tilmaano halka ay dhibaatadani ka timi,  waxaanu arrintaa  ku samaynaynaa daraasad. Waxaanu qabnaa in dhibaatadu ka imanayso Ganacsatada wax soo dejisa inaanay qiimaha ay wax ku iibinayaan ku salayn duruufta hadba taagan ee kolba waxay doonaan ay badeecadoodii ku iibiyaan. Ganacsigu waa xor oo anagu ma xakamayn karo hase yeeshee Ganacsatada waxa laga doonayaa inay dadkooda u naxariistaan. Haddii taasi la waayo qof walba way taabanaysaa. Markaa waxa imanaysa in Tallaabo dawladeed la qaado.”
Sidoo kale Wasiir Ku Xigeenku wuxuu sheegay inay  maanta Baanka dhexe  iyo Wasaaradda maaliyaddu isla qaateen in iskaashi joogto ah laga yeesho arrintan, isagoo yidhi,  “Waxa kale oo aanu  shir ka yeelanay kobcinta iyo dhiirigelinta Baananka madaxa banaan, Xawaaladaha iyo wixii kale ee dalka wax taraya,”ayuu yidhi Warsame Siciid Cabdi.
Wasiir Ku Xigeenku waxa uu  sheegay inay wasaarad ahaan  Ganacsatada ay u fududeeyeen hanaankii ay badeecadahooda dekadaha yaala u cashuuran jireen,  isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin sheego Ganacsatadu markay wax la soo degayso lacag Somaliland shilin ah ayay jawaano ka buuxin jireen dekada ayay la tagi jireen halkaa  ayaa lagaga tirin jiray oo ay wax ku cashuuran jireen. Laga bilaabo maanta waxaanu isla qaadanay Anaga iyo Baanku inaan lacag dambe oo Dekada Berbera la gaynayaa aanay jirin in ninka Ganacsadaha ahi uu Baanka lacagta dhigo,  kana qaato rasiidhka badeecadiisa. Lacag dambe oo dekada loo qaadayaa ma jirto qofka ganacsadaha ahi wuxuu wax dhigayaa Baanka ugu dhow.”
Md. Warsame Siciid Cabdi wuxuu ku dooday in muddadii ay xukuumadan cusubi jirtay ay ka dabaalatay duruufo dhaqaale xumo oo ay xilka kula wareegtay,  isla markaana ay kor u qaaday ilaha dhaqaalaha iyo dakhliga dawlada, taas oo sida uu sheegay ay bulshadu yiqiinsan tahay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *