Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta wareegto uu soo saaray Muj. Xamse Ciise ugu Magacaabay in uu noqdo xoghayaha gobolka Hargeysa, halka uu xoghayihii hore

ee gobolka Caaqil Deeq xilkii kaga qaaday.
 
Wasirir Gaboose ayaa ka codsaday xoghayaha cusub in uu xilka sida ugu dhakhsaha badan ula wareego,  iyada oo uu xogyihii hore ee gobolkana uu uga mahadnaqay sida fiican ee uu xilka u hayay iyo waxyaabihii uu qabtay mudadii uu xilkaas soo hayay.
 
Muj Xamse ciise oo ahaa dhalinayarada inta badan ka dhexmuuqda ururada bulshada iyo xidhiidhinta dhalinyarada, isla markaana ka qayb qaatay yagleelida qaar ka mid ah daladaha ay ku bahoobaan Ururada bulshada. Sida Deegaan Net Work iyo kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha Bulshada   ayaa ka mid aha dhalinyaradii ugu firfircoonayd ee xisbiga Kulmiye wakhtigii lagu jiray Ololaha iyo waliba ka hor, isagoo mudadii ugu danbaysay ahaa xoghayihii gobolka maraadi jeex ee xisbiga Kulmiye, wuxuuna mudadii ololaha si weyn uga dhexmuuqday dhalinayarada xisbiga kulmiye,  wuxuuna si weyn ugu hamiyay oo uu dedaalkiisa isugu geeyay sidii uu xisbigoodu codad badan uga kasban lahaa gobolka Hargeysa, isla markaana xisbigoodu is bedel dhab ah ka samayn doono dalka.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *