Hargeysa(ANN)  Wasaaradda Warfaafinta Somaliland  ayaa hakisay hawlihii baahinta Telefishnka UNIVERSAL ee dhinaca Somaliland. sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay  caweyskii caawa xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta

Somaliland  Cabdilaahi Cismaan  Jaamac (Geel-jire).
 Xayiraada Wasiirka Warfaafintu Telefiishanka Universal kaga joojiyay shaqadii baahinta wararka dhinaca Somaliland iyo gebi ahaanba shaqadii wuxuu   ku sababeeyey. kadib markii sida uu ku eedeeyay ay ixtiraami waayeen shuruucda caalamiga ah ee saxaafada iyo shuruucda Somaliland, isla markaana si dhexdhexaadnimo ah u gudan waayeen hawshoodii warbaahineed. sidoo kalena ay ka dhega adaygeen inay qabtaan telefoonada wasaaradda warfaafinta Somaliland.
 “Waxaan idin la socodsiinayaa inay wasaaradda warfaafintu si ku meel-gaadha, u joojisay dhamaan wixii la xidhiidhay hawlaha warbaahineed ee aad ka sameyn jirteen Jamhuuriyada Somaliland. Kadib markii aad si dhex dhexaadnimo ah u gudan waydeen waajibaadkiini warbaahineed.”ayuu  ku yidhi Wasiirku qoraalkiisa.

wasiirku wuxuu ku eedeeyay  shaqaalaha UNIVERSAL inay ka maarmeen wada shaqaynta ka dhaxaysay, isagoo qoraalka  ku yidhi, “Markii aad ka maaranteen  xidhiidhka wada shaqeynayd ee inaga dhaxeeya. Markii aad si cadaana masuuliyiinta wasaarada (Warfaafinta)  uga qaban weydeen Tilifoonka. Markii aad ka gaabiseen inaad ku dhaqantaan xeerka saxaafada caalamiga ah iyo kan Somaliland-ba, caadana ka dhigateen inaad dhinac kaliya wax u baahisaan.
Waxaanu go’aansanay inaanu si kumeel-gaadha la idiinka joojiyo hawlihii warbaahineed ee aad ka wadeen dhamaan jamhuuriyada Somaliland laga bilaabo taariikhda maanta 5 October 2010.Hay’adaha Sharciga iyo Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland waxaan ka codsanayaa in go’aankaasi fulintiisa iyo dabagalkiisa aad ku sameysaan” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *