Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay qorshaha shixnado hub ah oo mudooyinkii u danbeeyay laga dejiyay Dekedda Boosaaso iyo ciidamo ay shirkad shisheeye ku tababarayso maamul goboleedka Puntland ee Somalia. Sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday

 Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo ku hadlayay Afka xukuumadda.
Mr. geel-jire waxa uu sidoo kale digiin u jeediyay masuuliyiinta maamul goboleedka  Puntland oo uu  sheegay inay mudooyinkii u danbeeyay eedo iyo canbaarayn aan waxba ka jirin kaga imanayeen, isla markaana ay doonayaan inay soo fara geliyaan siyaasada Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Ninka wasiirka ee yidhi, “Ciyaaro ayaanu qabanaynaa ee gobolka Woqooyi galbeed iyo Awdal ayaa naga maqan ee ha kasoo qaybgaleen, waxaan leeyahay maanta maaha maalintii la odhan jiray xamar iyo Hargeysa ayaa wada ciyaaraya, iyadoo taliskii uu ka mid ahaa Ninkaasi waqtigaa oo dagaalo ka socdeen Hargeysa iyo Burco waxaa dadka u sheegi jireen, maanta waxaanu nahay 13 gobol oo Somaliland ah, malaha waxaan u qudhqudhsanayn madaxbanaanida iyo qarinamada Somalilaand ee mar kale ayaan ugu celinayaa inay sidaa la socdaan oo aany soo gelin siyaasadayada. Haddaanu ciyaaro doonayno anagaa qabsanayna ayuu yidhi Mr. Geel-jire oo daba socday hadal kasoo baxay masuul ka tirsan maamulka Puntland oo sheegay mar uu xalay ka hadlayay Idaacada BBC-da inay ciyaaro tartan gobolada Somalia ku qabanayaan Garoowe oo ay ku casmeen Woqooyi galbeed iyo Awdal.
Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo ka  hadlayay mawqifka xukuumadda Somaliland ee hubka iyo ciidamada la sheegay inay maamulka Puntland ka wado shirkad shisheeye, wuxuu  isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Hubka ku qulqulaya halkaa iyo ciidamada laga dhisayaa waa mid aanu uga walaacsanahay sida ay mandaqada iyo duwalka kaleba uga walaacsan yihiin, waana la socodsiinay aduunka iyo jamciyada quruumaha ka dhaxaysa.”
Dhinaca kale  Wasiirka Wasaaradda   Warfaafinta  iyo wacyigelinta Somaliland waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dawlada wadanka Qatar oo ku guulaysatay qabashada koobka adduunka ee 2022.

wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xukuumadda Somaliland waxay aad ugu faraxsan tahay guusha weyn ee dalka Qatar ka gaadhay tartankii martigelinta Koobka adduunka ee ay kaga guulaysatay dalal badan oo waaweyn, taasi oo ah markii ugu horraysay ee wadan Islaam ah ama Carbeed uu gaadho guul, magac iyo sharafba u ah guud ahaan caalamka Islaamka..

 

Sidaasi darteed, Xukuumada Somaliland waxay ku Hambalyaynaysaa dawlada Qatar Marti gelinta Koobka adduunka ee sanadka 2022, waxaanay u rajaynaysaa in ku qabashada koobka adduunka  sanadka 2022 ee Doha, uu wax weyn ka bedeli doono xaalada  bariga dhexe ka aloosan  muddada nusqarniga kor u dhaafay.

 

Farxadda shacbiga reer Gadar ee guushaasi waa mid ay sidoo kale la wadaagaan shacbiga Somaliland, waxaanay guushani markhaati ka tahay Hoggaaminta wanaagsan iyo siyaasada hufan ee Amiirka dalka Qatar Sh. Bini Khaliifa Al-Taani.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *