Hargeysa (ANN) Koox Ciyaartooy Somaliland oo lagu magcaabo (Goodir), kana tirsan naadiayada heerka koowaad ee Kubadda cagta ayaa booqasho ku tegey caasimada Jig-jiga ee ismaamulka kililka shanaad ee Ethopia. Kadib markii ay casuumad ka heleen dawlada

 ismaamulka Deegaanka Soomaalida Ethiopia.  Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay maanta wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka wasaaradda
Maxamed Cismaan Dubbe, kaas oo qornaa sidan;-
 “Ciyaartoyga  heerka koowaad ee naadiga kubbadda cagta ee
ciidanka Booliska (Goodir)  iyo madaxdooda ayaa maanta  booqasho ku tagay caasimadda
Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga halkaas oo ay ciyaaro saaxiibtinimo la yeelan
doonaan dhigooda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa halkaasi si diiran ugu soo
dhoweeyey ciyaartoyga iyo masuuliyiinta kooxda Goodir ee Somaliland.
Booqashadani waxay ka dhalatay  go’aamadii ay  bishii hore isla qaateen weftigii uu
hogaaminayay   Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,Dr.Maxamed Cabdi
Gaboose  iyo Madxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida , Cabdi Muxumed Cumar. Taas oo
waxyaabihii laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen  xoojinta isdhexgalka labada bulsho
iyo adkeynta nabadgelyada.
Booqashada ciyaartoyga kubbada cagta ee Goodir waxay bilaw u tahay isdhaafsiga
afkaarta, isfahanka iyo isdhexgalka labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland, waxaana
la filayaa in dhowaan booqasho tan la mid ah ay Somaliland ku yimaadaan ciyaartoy ka
socda maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.
Weftiga ka socday Somaliland oo booqasho ku tagay magaalada Jigjiga 28 November 2010
ayaa waxyaabihii kale ee ay ka wada hadleen madaxda dawlada deegaanka Soomaalida
waxa ka mid ah in la sii adkeeyo xidhiidhka labada dal ee dhinacyada amniga,
waxbarashada, caafimaadka iyo ciyaaraha.”
 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *