Hargeysa(ANN) Dadweynaha Xaafada Xera Awr oo ku taala woqooyi galbeed ee  magaalada hargeysa  ayaa sameeyay mudaharaad, kuwaas oo gebi ahaanba xidhay wado xaafadooda dhexmarta. Kadib markii ay barqadii  maanta wadadaa  ka buuxiyeen dhagxaan, isla markaana

 ku gubeen Taayiro. 
Mudaharaadka xaafadaa ka dhacay oo ah kii labaad ee ay sameeyaan labadii bilood ee u danbeeyay ayaa ka dhashay. Kadib markii ay dawlada Hoose ee Hargeysa ku guuldaraysatay  balanqaad hore oo ay dadka xaafada ugu sheegtay  inay wadadaa dhisayaan, balse  ay waxba ka qabanweyday wadadaa iyo inay fuliso balantaa, iyagoo taa bedelkeedana   jidka laamiga ah ee Masjid Nuur oo godadka iyo xorfadaha noqday ka buuxiyeen Ciid horaantii bishii hore, laakiin ay wax talaabo ah qaadi waayeen, taas oo ka dhigtay wadada mid boodh iyo habaas fara badan oo gaadiidku ka kicinayaan  ay dadweynaha ka cadhaysiiyay.

 

Dadka xaafada ayaa qaarkood u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews inay ka cadhoodeen ciida ay dawlada Hoose ka buuxisay wadada oo dadka u keentay saxa xumo. Sidaa awgeed ay door bidayaan in aanay gaadiidku marin wadada haddii aan la dhisayn oo aan waxba laga qabanayn, “Markay tagaan ayaanu ku celinaynaa dhagaxa, mana aqbalayno inaanu ku jirno xaalada noocan ah.” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah haweenka xaafada oo waqtigaa wadada qarkeeda taagnayd.
“Waxaanu doonaynay in wadada naloo dhiso ee maanu doonayn inay dawlada Hoose maalinba iska rogooyin ciid ah ku shubto oo caruurtayadu u ekaato dad xabaalo soo qoday.” Sidaana waxa ku dhawaaqday haweenay kale oo ka mid ah dadka xaafada. 

 

 

 

 

Ciidanka Bilsyka ayaa xili danbe gaadhay halkaa, iyadoo ay dadweynaha mudaharaadayay  gebi ahaanba xidheen wadadaa oo ay ka buuxiyeen dhagxaan, isla markaana Taayiro ku gubeen, taas oo keentay  inay  Basaska xaafada Xero Awr oo wadadaa mara  iyo gaadiidka kaleba ka caageen. Dhawr saacadood. Waxaana markii danbe dhagxaanta laga buuxiyay wadada iyo Taayirada lagu gubay halkaa ka guray ciidanka Bilayska oo gaadhay goobta, iyadoo uu Taliyaha guud ee ciidanka Bilayska Somaliland goobta yimi.

 

Masuuliyiinta dawlada Hoose ayaan goobta wadada la xidhay ka muuqan, isla markaana Maayarka Caasimada Eng. Jiciir oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino sababta wadadaa wax looga qaban waayay ayaanay noo suurta gelin inaanu helo.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *