Hargeysa(ANN)Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Somaliland  C/Raxmaan Cawil Xasan, ayaa markii u horreeyay jawaab ka bixiyay  qaar ka mid ah Iskaashatooyinka kalluumaysatada wadaniga ah ee xeebta Berbera iyo Saylac oo cabasho ka muujiyay  dhibaatooyin

ka haysta  maraakiib kalluumaysato ah oo ajanabi ah oo Kalluunka ka jilaabanaya meelaha ka caagan  maraakiibta iyo doonyaha.
Kalluumaysatadaa oo sheegay inay samayn doonaan shaqo joogin haddii wasaaraddu ay go’aan ka gaadhiweydo  cabashadooda, isla markaana xakamayn weydo  maraakiibta ay ruqsada siisay.
Haseyeeshee Agaasimaha Guud ee  Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland  C/Raxmaan Cawil Xasan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cabashada ka soo yeedhay iskaashatooyinka kalluumaysatada ee deegaamadaa, wuxuuna  ku dooday in xubnihii saxaafadda u waramay aanay ahayn Iskaashatooyinka sharciga ah ee u diiwaan gashan wasaaradiisa.

C/Raxmaan Cawil Xasan, wuxuu sheegay in ay mudadii xukuumada cusubi jirtay ay ruqsado siiyeen illaa sagaal maraakiib iyo doonyo kalluumaysi iskugu jiray, waxase uu  ku dooday in  maraakiibta iyo doonyaha ay ruqsada siiyeen ay u xadidaan goobo gaar ah,  isla markaana aanay u soo dhawaan karin kalluumaysatada wadaniga ah iyo meelaha ay ka ugaadhsadaan.

Agaasimaha Guud wuxuu sheegay inay wasaarad ahaan ay diiwaan geliyeen dhamaan iskaashatooyinka kalluumaysatada ee dalka, waxaanu tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo dhawaan markii uu socdaalka ku tagay Berbera uu bixiyay kaadhkii koowaad ee diiwaan gelinta iskaashatooyinka kalluumaysatada, halka wasaaraduna qeybisay kaadhadhkii kale.
C/Raxmaan Cawil wuxuu u soo jeediyay kalluumaysatada wadaniga ah inay wasaarada sifo sharci ah ugu soo gudbiyaan wixii cabasho ah ee ay qabaan, si ay wasaaradiisu wax uga qabato.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *