Dhamaadkii sagaashanaadkii ayay  Bulshada Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaaladda Caasimadda ee Hargeysi ku war heleen tartan dhinaca isgaadhsiinta casriga ah oo ka bilaabmay  Somaliland, waxaana xiligaa suuqa ganacsiga ee isgaadhsiinta Somaliland soo galay  Sirkaddo

cusub oo ka kala yimi jihooyin kala duwan, kuwaas oo abuuray jawi tartan iyo xarakaad hor leh.

Mudo yar ka dib waxa si weyn uga soo dhex baxaday shirkaddahii xiligaa yimi iyo kuwii hore saaxada ugu jirayba shirkadd lagu magcaabo Barakaat, taas oo ku socotay xawaare sare oo dhinaca is balaadhinta  iyo adeegyada ay soo bandhigtay oo bulshadu baahi weyn u qabtay,  marka loo eego shirkaddihii hore uga jiray dalka iyo kuwii ay suuqa mar soo wada galeenb oo ay durbadiiba ka dheeraysay, iyadoo ka faa’idaysanay baahidii bulshada ee xiligaa iyo jawigii fursadeed ee curdinka ahaa dhinaca Somaliland oo saamaxayay in ganacsi sidan oo kale uu ka abuurmo, maadaama ay xasilooni iyo deganaansho ka jirtay. 
Sidoo kale waxay shirkadda  Barakaat  qaybteeda isgaadhsiinta ee Telefoonada dhinac waday adeeg xawaaladeed oo lacagta laysugu diro, isla markaana u shaqanayay  qaab Bangi oo ay kumanaan qof oo Somaali ahi dhigteen lacag oo ay hantidoodii ku aamineen, may jirin cid si cad u sheegi karaysay xaqiiq ahaan ujeedada loo aasaasay, hadafkeeda,  cida iska leh  mulkigeeda, ama  mulkiilayaasha shirkadda, marka laga reebo koox yar oo kooban oo hirgelinteeda dhulka Somaliland iyo Somalia ee ay ka hawlgashay qaarkood ka dhexmuuqdeen, kuwaas oo iyaga la rumaysan yahay inay xaqiiqda shirkadda ujeedadeeda iyo lahaanshaha cida iska leh ka war hayeen.

Dad badani waxay u riyaaqeen xawligii iyo xawaarihii ay ku socotay shirkaddu, taas oo suurta gelisay inay qaybo baddan oo mujtamaca Soomaalidu kusoo dhiiradaan inay la macaamilaan shirkadda  adeegyada dhinaca isgaadhsiinta iyo xawilaadaba, taas oo  ay macaash baddan ka heshay. Laakiin isbedelkii ay sababta u ahayd dhacdadii 11 sep ee 2001,  oo si weyn u saameeyay dhaqaallaha aduunka saamayn weyn ku yeeshay gebi ahaanba xawligii shirkadda Barakaat. Kadib markii dawladda Maraykanku saartay xayiraad, iyadoo lala xidhiidhiyay inay ka mid tahay shirakaddu kuwo lagu aasaasay hantida wadaadka hogaamiya shebekadda Alqaacida ee Osama Bin Laden oo lagu eedeeyay qaraxyadii 11 Sep. lasoco….qaybo kale oo mihiim ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *