Hargeysa (ANN) Dadka xoolo dhaqatada ee deegaamada Koonfurta Haw kaga beegan magaaladda Hargeysa ayaa sas ka qaaday  Diyaarado joog hoose ku duulaya oo saacadihii lasoo dhaafay wareegayay Tuulooyinka qaar ka mid ah deegaankaa. Sidaa waxa saxaafada u sheegay

Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre.
Guddoomiyaha Baligubadle  waxa uu sheegay in diyaarado aan la aqoonsan oo ku socda joog hoose ay ku meeraysanayeen tuulooyin ka mid ah Deegaamada Bali-gubadle, Bali Cabane iyo Tuuladda Gumar oo ka tirsan Gobolka Hawd.
Badhasaabku wuxuu sheegay in diyaaradahaasi ay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay hadh iyo habeenba ay dul wareegayaan deegaankaa, iyagoo gaadhaya xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuuna xusay inay cabsi ku abuureen dadka deegaanka iyo xoolohooda.
“Waxay cabsi ku abuureen dadkii reer miyiga ahaa waxaana cabasho naga soo gaadhay tuulooyin ka tirsan Degamada Balicabane iyo Tuuladda Gumar ee degmada Bali gubadle,waxay dadku noo sheegeen inay soo dhawaanayeen isla markaana ay Xoolihii ka didayeen,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Hawd, oo u waramayay Saxaafaddu.
Jamaal Xuseen wuxuu intaasi ku daray inuu magaalada Hargeysa u yimid si uu Xukuumadda dhexe ee Somaliland ugu wargeliyo arrinta diyaaradahaasi oo uu sheegay inay warwar ku abuurtay bulshada.
Cabashada dadka xoolo dhaqatada ah ee Koonfur Hawd ee magaalada Hargeysa ayaa kusoo beegantay. Kadib markii ay bulshada magaalada Burco ee xarunta gobolka Toghdeer habeenadii lasoo dhaafay ka aragagexeen Diyaadar  laba habeen ku wareegaysay magaaladda Burco, taas oo ugu danbayntii sababtay  in halkaa Ciidamada amaanka Somaliland habeen hore ka qabtaan shan nin oo lagu eedeeyay inay falal argagixiso oo ka dhan ah Somaliland maleegayeen, kuwaas dhinaca magaalada hargeysa la keenay shalay. Kadibna xabsiga loo gudbiyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *