Hargeysa(ANN)Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa jawaab ka bixiyay dalabka dawladda Soomaaliya ku doonayso in hoos loo dhigo dacwada ka dhanka ah Gen. Maxamed Cali Samatar oo lagu xukumay

maxkamad ku taala Maraykanka.kadib nmarkii lagu helay xasuuq loo geystay kumanaan shacabka Somaliland xiligii uu socday dagaalkii taliskii uu ka tirsanaa iyo xoogagii SNM 1988.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha debeda Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa arrintaa ku tilmaamay mid  xumaynaysa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyoSoomaaliya.

wuxuuna isagoo ka hadlaya dalabka dawladda Somaliya ku doonayso in hoos loo dhigo dacwada Cali  yidhi. “Arrinta Maxkamada Maxamed Cali Samatar ee ka socotay dalka Maraykanka waxay ahayd arrin u taala waddankaas, waxaanu aragnaa faragalinta ay Madaxda Soomaaliya faragalinayaan gardaro cadaan ah oo loo gaysanayo shacabka Somaliland, kuwaas oo uu hore ugu gaystay danbiyo aadame Maxamed Cali Samatar, wakhtigii uu xilka hayay, waxaanu markaas annagu leenahay arrintaas dawladda aanu jaarka nahay ee Soomaaliya haka dayso faragalinta, waayo waxay sii xumaynaysaa jaarnimadii naga dhaxaysay.”

Wasiir ku-xigeenka arrimaha debedda Somaliland Mawliid Maxamed Ibrahaim wuxuu sidoo kale ka hadlay wadahadaladii labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ka dhaxeeyey, waxaanu madaxda Soomaaliya ka dalbaday inay ixtiraamaan heshiiskii hore loo gaadhay. “Arrinta wadahadalada labada dal, mid cad ayuu ahaa adduunkuna ogaa, laakiin siday hadda u dhigayaan madaxda Soomaaliya waa mid midow iyo riyo aan ku jirin ku qotoma, taas annaga xaggayaga mid joogta maaha, mid wadahadalka ku jirtayna maaha, waxaanu u soo jeedinaynaa inay madaxda Soomaaliya ixtiramaan heshiiskii beesha caalamku goobjooga ka ahayd ee London iyo Dubai.” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku oo wareysi siiyay Telefishanka Qaranka Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *