somalimemo.netAmsterdam(ANN) Ernaud Van Dorn oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada The Hague ee wadanka Holland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu qaatay diinta Islaamka, isla mrkaana uu ka baxay gaalnimadii. sidaana waxa maanta uu Mr. Van ku sheegay

 

war lasoo dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter-ka, kaas oo lagu sheegay in uu islaamka qaatay Islaamka oo  ku dhawaaqayay Towxiidka, “Allaahu Akbar Allaahu Akbar’.

Ernaud Van Dorn oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada The Hague ee dalka Holland wuxuu isbaheysi la ahaa siyaasiga lagu magcaabo Geert Wilders oo lagu tilmaamo dadka islaamka canbareeya, isla markaana ku dooda in mujtamaca islaamka laga celiyo dalalka Yurub.waxayna labadaa ninba ahaayeen kiristanka sida weyn u dhaleecaya mujtamaca Islaamka

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Holland ayaa ka hadlay dhacdadaa, iyadoo  Idaacadda Caalamiga ah ee Holland iyo Wargeysyada kasoo baxa dalka Biljamka ay islaamnidda Mr. Van Dorn ay sheeciyeen, balse ay warbaahinta qaarkood  ku tilmaatay talaabada uu qaaday ee uu ku qaatay diinta Islaamka in ay tahay mid dhinaca caafimaadka ah oo Mr. Van uu yahay qof xanuunsanaya oo madaxa xanuun ka hayo, balse Ninkaa ayaa lafilayaa in maalmaha soo socda uu magaciisa bedelo oo uu qaato magac Islaam ah.

Dhinaca kale wadamada reer galbeedka waxa sanadii u danbeeyay kusoo badanayay dadka qaata Diinta Islaamka, kuwaas oo u badan dad magac ku lahaa bulshooyinka ay kasoo jeedaan, isla markaana ahaa Kiristaanka ka jiba keena kiristaanimada, waxaana dadka ugu badan ee sanadii u danbeeyay diinta Islaamka qaatay ee dalalka Yurub u badnaayeen Dalka Faraniiska, kuwaas oo u badan dumarka sida ay sheegeen daraasado lagu faafiyay warbaahinta reer galbeedka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *