Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle kadib markii uu shalay saxaafada la hadlay, isagoo  si kulul ugu dhaleeceeyay hadalkiisa masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo shaqsiyaad kale oo sida  uu sheegay

ku tilmaamay Kooxo Diimeed kala duwan oo doonaya  inay Somaliland Fawdo ka abuuraan.

Sheekh Geelle oo marar badan ay xukumadda Somaliland xabsiga u taxaabay ayaa lasii daayay mudo kadib,balse xadhiga ay maanta xukuumaddu kula kacday ayaa ka danbeeyay canbaaraynta uu shalay u jeediyay xukuumadda iyo kooxda Ictisaam ee wadaada xukuumadda awoooda badan ku leh, weedhaha uu shalay kaga hadlay xaalada dalka ka mid ahaa, canbaarayn uu u jeediyay wasiiradda xukuumadda, isagoo yidhi,  “Waxan la hadlayaa sadexda Wasiir ee kala ah  Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka arrimaha Gudaha oo aan Nasteexo u jeedinayo, Ugu Horeyan Waxan leeyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maalin Dhaweyd waxad Sheegtay in Aamanka Somaliland uu yahay Boqolkiiba Boqol yahay Mid Sugan, Gaaladuna Been Sheegayaan, malaha Adigu gaal Odhan mayside, Imikana Waxad sheegtay in Ingiriiska iyo Gaaladu Run sheegeen, Amni Daradii ingiriisku sheegayeyna ay Somaliland Xidida u siibtay ayaad Warbaahinta u sheegtay, Wasiir ma maalinta Horaad khaldanaydoo waxba maad ogayn, Mise maanta ayaad  khaldantahay oo dan kale ayaa soo gashay meesha, Mudane Wasiir Somaliland qaadanmayso in hadalada Masuul Dawladeed hadalkiisu isburiyo, Adiga ayayna  dhib kugu tahay If iyo Aakhiro meel uun ku adkayso ayaan ku leeyahay,”Ayuu yidhi

Sidoo kale Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle wax kale oo uu baaq u diray wasiirka Maaliyada oo uu ku dhaleeceeyay kaanbaynka shirarka ku qabanayo Huteelada ee u isticmaalayo dhaqaalaha dalka casuumado uu doonayo inuu ugu kaanbayn ugu galo sidii gudoomiyaha xisbiga Kulmiye u noqon lahaa marka la gaadho shirweynaha xisbiga, wuuxuna Sheekh Geelle, isagoo fariin u diraya wasiirka yidhi,    “Wasiirka Maaliyada waxan leeyahay Wax laysla Dhexe maraya in habeen dhaweyd aad hotelka Maansoor oo aad Cusuumad Balaadhan aad ku sameysay oo dhaqaale badan aad ku bixisay, hadaba wasiir  waxan u malaynayaa  in aanay lacagtaasi ahayn hanti meel ku taalay laba mid uunbay ka timid ama waa handtidii dadkani lahaa ama waa hanta kaasoo gashay ururka aad ka tirsan tahay ee islaax haddii ay tahay hantidii dalkan iyo haddii tii jameecada kale ee aad ka tirsan tahay tahayba  walaal waxaan ku leeyahay umadani way baahan tahay burbur dhaqaale ayaa haysta oo burbur akhlaaqeed baa haysta mushkilad caafimaad baa haysata oo dhibaatada umadan haysata lama soo koobi karo Haddii ay jirto lacagta aad halkaa ku kaambayn garaynaysay  waxaan kugula talinayaa imika kaa dhacdaye umadaa lacagtaa u baahane danyarteena agoonteena bukaan keeda haloogu naxariisto oo umada hala galiyo lacagtaasi.”Ayuu yidhi.

Dhinaca kale Sheekh Geelle waxa uu ka hadlay baayaan dhawaan ka soo baxay koxada Ictisaam waxanu sheegay in ay kooxdasi tahay tii dhashay Kooxda Alshabab, isagoo ka dayriyey in kooxadasi dooansyo in Somaliland u soo xawisho nabadgelayo darada ka jirta somaliya. “Kooxo magacyo sita kuna qadhaabta magaca diinta islaamka asal ahaana laga soo diray dibadaha markaa waxaan leeyahay jameecaadkan diba laga soo dirayoow dadkan iyo dalkan iyo diintan si ay khalkhal u galiyaan loo soo wakiishayoow  dadku waa dadkiinii diintuna waa diintiinii ee shilimo yar oo aydiin daadiyaa yaanay indin kala qiimo badnaanin shilimada iyo dhaqaaluhu way iska dhamaan laakiin dadka iyo diintu midna qudhi maayaan jaacaadkaa si gaara waxaan carabka ugu dhufanayaa laba jameeco oo aad moodo inay si gaara ugu mamsan yihiin inay mar uun xukunka gaadhaan ta koowaad mid la yidhaa al ictisaam oo asalkeedu yahay itixaad”Ayuu yidhi

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *